Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddoomiyaha Baarlamaan Dowlada FS ayaa soo gaaray maanta magaalada Muqdisho...

1:15 Pm Duhurnimo xiliga afrikada bari ayaa garoonka dayuuradaha ee Lambar 50 soo caga dhigatay dayuuradii siday xubnaha labada gole ee uu hor kacayay mudane Shariif Xasan Sh. Aadan Guddoomiyaha baarlamaanka dowlada KMG ee soomaaliya iyo xubno kale oo labada gole ee dowlada ka tirsan, waxa ayna ka soo duuleen xubnahaan uu horkacayo gudoomiyaha dalka Jabuuti oo uu kaga qeyb galeen xafladii munaasabada maalinta xoriyada ee wadanka Jabuuti oo ku aadaneyd 27-da june.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa si diiran garoonka ugu soo dhaweeyey xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo dadweyne aad u badan oo safnaa hareeraha wadooyinka kuwaasoo Guddoomiyaha ku soo dhaweenayey caleemo qoyan, xubnaha halkaas ku sugnaa oo ay indhaheyga qabteen ayaa waxaa ka mid ahaa Gen. Max'ed Saciid Xirsi "Moorgan", Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid" Gudoomiyaha Gobalka Sh/Hoose Yuusuf Max'ed Siyaad "Indha Cade" iyo xubno fara badan.

Waxaana durbadiiba gawaaridii siday gudoomiya ay u soo baqooshay dhinaca caasimada dalka ee Muqdisho gaar ahaan Hotelka Saxafi oo ay degan yihiin badanaa xubnaha dowlada ee ku sugan Muqdisho, waxaana xusid mudan in inta aynu ku soo jirnay wadada u dhaxeysa Muqdisho Iyo Garoonka Lambar 50 ay indhaheena qabanayeen dhowr isbaaro oo halkaasi yiilay gawaaridana loogu qaadayay lacagahii hore loogu qaadi jiray balse isbaarooyinkaas ayaa u badnaa kuwo wali aan la qaadin laakin waxaa jiray qaar fara ku tiris ah oo horay loo qaaday balse soo laba kacleeyeen lacagahii horena ka qaadayeen gawaarida isticmaasha wadooyinka ay ku sugan yihiin.

Guddoomiyha waxa uu hore u soo maray dalka Yaman waxa uuna magaalada Sanca kulan lagu dhexdhexaadinayo isaga iyo madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu halkaas uga qeyb galay iyadoo kulnkaasna uu ku dhamaaday natiijo la’aan.

Isku soo duuboo saacadaha soo socda ayaa la filayaa in uu gudoomiyaha soo bandhigo waxyaabaha uu safaradiisa kula soo kulmay.

Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxoow ayaa sheegay in xubnaha labada gole ee dowlada FS kuna sugan Muqdisho ay wadaan qorshe lagu dhameynayo howlahii lagu sugayay amniga iyo Isbaara qaadka magaalada Muqdisho...

Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow Wasiirka Ganacsiga dowlada FS ayaa sheegay in xubnaha labada gole ee dowlada kuna sugan dugaha muqdisho ay wadaan kana caajisin howlahii lagu sugayay amniga guud ee Muqdisho iyo waliba lagu qaadayay isbaarooyinka daadsan caasimada iyo wadooyinka soo gala.

Wasiirka Ganacsiga ayaa xusay in aysan ka caajisin howlahii isbaarooyinka lagu nadiifinayay balse ay maalmaha soo socda tilaabooyin cad cad qaadi doonaan, waxa uuna sheegay in la xareyn doono maleeshiyaadka teedsan gudaha caasimada dalka ee Muqdisho balse ma sheegin in ay ku biirinayaan kuwa ku xareysan xerooyinka Hiilweyne iyo Laanta buure ama ay xero cusub u furayaan.

Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow Wasiirka Ganacsiga dowlada FS ayaa dhinaca kale sheegay kulan ay la yeesheen isaga iyo xubo kale ee dowlada ku jira Ganacsade Abuukar Cumar Cadaan iyo maamulka Shirkada Banaadir ee gacanta ku haysa tekada Ceelmacaan ayaa waxa uu sheegay in ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xasilin lahaa amniga guud ee caasimada iyo waliba maleeshiyaadka ka amar qaata labada dhinac ee la kulmeen sidii magaalada loogu bixin lagaa dhacan celina lagu sameyn lagaa, balse ma carabaabin in ay ogolaadeen in maleeshiyaadkaas ka amar qaata laba dhinac ee la kulmeen laga bixin doono Muqdisho iyo goorta la bixin doona laakin waxa uu hadalka ku soo gaabsaday kulanka ayaa ku dhamaaday jawi is afgarad leh, waxaa kaloo uu sheegay in ay la kulmi doonaan cid kasta oo ay leeyihiin sugida amniga caasimada gacan weyn ayay ka geysan karaan.

Haddaba Wasiirka Ganacsiga ayaa u muuqda in waayahaan dambe ee ka go'antahay sidii u xasilin lahaa aminiga caasimada isagoo waliba aad u taagersan in aysan caasimada Muqdisho laga badalin dowladana timaado oo ay ka shaqo bilaawdo.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali Tv
Mogadishu - Somalia


E-mail: abdifitahaam@hotmail.com