Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddigii loo xilsaarey dhameynta khilaafaadka xubnaha dawlada oo maanta soo bandhigay waxyaabihii ay qabteen.

 Gudigan loo xilsaaray dhameynta khilaafaadka xubnaha dawlada ka dhexeeya oo ay magacaabeen xubnaha Muqdisho ku sugan 2dii bishan kulan ay ku yeesheen magaalada Muqisho.gudigan loo xilsaaray dhameynta khilaafka dawlada ayaa ka kooban illaa 5 xubnood .

 Cali Cisman oo ka mid ah gudigan ka kooban shanta xubnood oo saxaafada la hadleyey ayaa sheegay in ay meel fiican ka gaareen howlihii loo xilsaaray xiriina ay la sameeyeen xubno ka tirsan dawlada oo ku sugan hotelka Ramadan ee magalalada Muqdisho.Gudigan oo xaley kulan yeeshay ayaa isku raacay in ay ergo u diraan xubnaha Ramadan ku sugan.

Xillibaan Jidow ayaa sheegay in ay xiriir lasoo sameeyeen xubnaha dawlada ee Jowhar ku sugan ugana hambalyeeyeen dadaalada isu soo dhaweynta ah ee ay wadaan.Maalinta arbacada soo socota ayaa la filayaa in ay kulan yeeshaan gudigan shanta xubnood ka kooban iyo gudi kale oo ay soo magacaabanayaan xubnaha Ramadan ku sugan.

 Maxamed Cumar Sheekh(Maxamed Cadde)
Rochester  Somali Tv Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com