Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Guddi ay u magacawday DFS Gaadiidka iyo Saanada laga soo dajinaayo Dekadda Ceel macaan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya u saartay arrimaha Markab la sheegay inuu hub iyo qalab kale u sida Dowladda Soomaaliya Guddi ka kooban dhawr Wasiir kuxigeen.

wara lagu kal soon yahay ayaa waxay sheegayan in Guddigan uu Madax u yahay Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, sidoo kale Guddigan waxaa ka mid ah Xuseen Baantuu iyo Wasiir kuxigeen kale.

Sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya Jowhar Guddiga Dowladda Federaalka waxay tagayaan Dekeeda Ceel Macaan, si ay ula wareegan Markabka iyo waxyaabaha saran.

Arintani ku saabsan gaadiidka iyo saanada ayaa Dowladda Federaalka Somaliya ay diiday inay ka hadasho waxyaabaha saran Markabka oo ka kooban sida la sheegay baabuur kala duwan, hub iyo Raashiin,

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya