Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa lagu soo waramayaa in uu u tagay magaalada Jowhar wadatashi la xiriira dhinaca canshuur qaadista.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed uu xalay ku soo aaday degmada Jowhar oo ahaa mid ka dis ah ayaan la garaneyn sababta dhabta ah ee ka dambeysa walow cidna uu u sheegin safarkisa, iyadoo magaalada B/weyne ay ka jireen xiisado ku aadan awood qeybsiga maamulka gobolka Hiiraan.

Ilo Muhiim ah oo ku dhowdhow Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in looga yeeray magaalada Jowhar oo I

Iminka uu ku sugan yahay madaxweynaha dowladda FS C/laahi Yuusuf Axmed iyo Max'ed Dheere oo xiriir toos ah uu kala dhaxeeyo Yuusuf Dabageed, waxaana wararku ay sheegayaan in ay kala tashanayaan arimo la xiriira gobolka Hiiraan iyo howlo lagu dayactirayo saldhiga booliska iyo xabsiga dhexe ee magaalada B/weyne.

Warar la isla dhex marayo ayaa waxa ay sheegayaan in Yuusuf Dabageed iyo Max'ed Dheere aya ka wada tashanayaan qaabka canshuuraha looga qadayo gobolka Hiiraan, iyadoo arintaan ay sii kordhisay khilaafkii ka taagnaa gobolka Hiiraan.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya