Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gudoomiyha baar lamaanak DF Somaliya oo sheegay inuusan raacaynin wax kas too ka horimaanaya hadalka Wakiilka Gaaarka Qaramada Midoobay Arimaha Somaliya Mr Fall

Gudoomiha baarlamka fedaralka Somliya Shaaariif Xasan Sheekh Aaadan ayaa ku Sheegay dhex dhaxaadidinta uu wado wasiirka dibudhiska dib u dajinta DF Somaliya Bare aadan Shire (Barre Hiraale) mid aan hadda laga hadli Karin, isla markaana Qorshaha barre uu yahay mid wax u dhimayo dadaalka uu wado ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr Fall oo ah in Labada dhinac kulansiiyo.

Shariif Xasan waxaa uu sheegay haddii ay yihiin xubnaha Labada Gole ee ku sugan Xamar inay ka war sugayan dadaalka Nabadeed ee uu wado Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo uu sheegay inuu kulan siin doono Labada Garab ee Dowladda waa sida uu sheegay Shariif Xasan.

Haddii aan ka waramo Khilaafka Dowladda anaga waxaan u xilsaarnay Guddi oo aan magacawnay,laakiin Mr Fall ayaa naga ballan qaaday inuu ka shaqeynayo Labada dhinaca sidii loo heshiisiin lahaa, waxaase jirta in Barre Hiraale Qorshe soo jeediyay, Barnaamijkaasna waxaa dhici karaa waxaa uu Qatar gelinayaa qorshaha Qaramada Midoobay"ayuu yiri Shariif Xasan.

Horey ayaa Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka garabka Muqdisho waxay ka hor yimaadeen Qorshaha Wasiirka dib u dejinta Dowladda Federaalka Barre Hiraale.

Laakiin Wasiirka mar uu xalay ka hadlayay arrintan isagoo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu sheegay inuu ka war sugayo marka uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo Laabto Magaalada Muqdisho

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya