|
Gudoomiye kuxigeenka baarlamanka dawlada fedraalka soomaaliya Cismaan Cilmi
boqore ayaa ugu baaqay in aanay golaha bad baadada iyo midnimada u hor
seedin dalka dhibaato hor leh
Cimaan Boqore ayaa sicad u sheegay inay ka shaqeeyaan sidii ay isugu soo
dhaweyn lahaayeen xubnaha labad gole ee qillfka dhexyaala ee kala dagan
Jowhar iyo Muqdish
Gudoomiya ku xigeenka labaad ee baarlamka ayaa hadalkani maanta ka
sheegay kulanka shirweyanaha 1aad ee golaha badbaadda iyo midnimada
soomaaliyeed ugu furmay magaalada Muqdisho.
Gudoomiye kuxigeenka baarlamanka ayaa sheegay inuu aad uga xubn yahay
kala qayb sanaanta dawladii lagu soo dhisay Kenya ee uu jeclaan lahaa iney
isku timaado oo bulshadda u adeegto si looga baxo dhibaatada maanta dalka uu
ku sugan yahay.
Xubnhii sidoo kale ka hadlay shirweynahaasi waxaa ka mid ah Gudoomiyaha
siyaasadda Gobolka sh/hoose Sheekh Yuusuf indhacade oo sheegay in shirkii ka
dhacay Kenya ay isku tageen waxa uu ugu yeeray Hogaamiyaal dagaal iyo
gaandhariyaashooda wixii ka soo baxayna ay noqdeen waxa iminka loo jeedo
iney dhaqaaqi waayeen.
“soomaaliya lama dhihi karo waa xur ee waxaa dalka ku haray dadkii gumaysigu
ka tagay ee shaqaalaha u ahaa” ayuu intaasi raaciyay, isagoo soo jeediyay in
la isku xukumo shareecadda islaamka.
Sidoo kale waxaa hadlay janraal Jaamac Maxamed Qaalib oo sheegay ineysan
jirin wax ka kheyr badan in nidaam islaami ah dalka lagu Xukumo,isgoo
intaasi raaciyay inuu dawlado badan wax ka soo noqdo balse uusan qaban wax
xil ah ka heeyn uuna rajeynayo in Xisbigan uu noqdo mid badbaadiya dadka iyo
dalka uu uusan noqon kuwii horay dalka uga jiray.
Sidoo kale furitaanka shirweyanahan ayaa waxaa ka hadlay halgamaa Cali
shido Cabdi iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen madaxda dalada Culimada
iyadoo uu kulankana uu socon doono afar cisho sida u saxaafadda u sheegay
Xuseen Siyaad Qoorgaab oo xubin ka ah Golaha badbaadda iyo midnimadda
soomaaliyeed isla markaana ay ka qayb galayaan ergo gaaraya 250 oo ka kala
imaanaya goboladda Puntland Somaliland, Sh/hoose, Galgaduud,Hiiraan, Baay
iyo Banaadir iyaga oo ka doodi doona 10 qoqodb oo ah ajandayaasha horyaala
shirweynaha Golaha.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|