| Xubnaha
labada Gole ee Muqdisha oo ku sheegay Xayiraadaha lagu soo rogay garoomada
koon furta Somaliya inay ka dan bayso dowlada Etoobiy Afahayeenka
labada gole ee Muqdisho Col.Cumar Xaashi Aadan oo maanta warsaxaafadeed uu
soo ssaray labada gole ee muqdisho ayaa waxa uu sheegay in qorshahan uusan
aheyn mid ka yimid beesha caalamka ama urur goboleedka Igad, hasa ahaatee ay
abaabulkiisa oo qura ay leedahay dowladda Ethiopia, fulintiisana ay gacan ka
siinayaan xubnaha dowladda Garabka Jowhar.
Afayeenka labada gole ayaa Warsaxaafadeedkaasi uu ku sheegay in
qorshahaasi lagula dagaalamayo nolosha hantida iyo xasiloonida dadka
Soomaaliyeed ee degan magaalada Muqdisho iyo gobolada Ku xiran, iyadoo lagu
cuna qabateynayo awooda ciidan, dhaqaalahooda iyo abaabulkooda bulshadeed ee
caalamka la leeyihiin.
War saxaafadeedkooda ku sheegay in arinta ay ka weyn tahay loolanka ka
dhex jira labada gole dhexdooda, iyadoo lagu tilmaamay qulqulatooyinka badda,
afduubka, maraakiibta, xerida garoomada diyaaradaha iyo fidinta dacaayadaha
Somaliya lidka ku ah in loola jeedo in lagu xalaashado cuna qabateynta
magaalada Muqdisho iyo gobolada ku xiran waa sida lagu yiri war
saxaafadeedkaasi.
Wra saxaafadeedkan ayaa waxa baaq loogu jeediyay Shacabka Muqdisho in ay
ku baraarugaan arintaasi islamarkaana ay bilaabaan abaabul kasta oo looga
hortagayao in cuna qabateyntaasi ay hirgasho.
Xubnaha labada gole ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkooda waxa ay kaga
codsadeen dowladda Kenya in ay soo faragalin arimaha gudaha Somaliya ee
shuruucda caalamka ay ka reebeyso isla markaana aysan sameyn xag jirnimo.
Ugu dambeyntii qoraalkaasi ayaa waxaa loogu baaqay Jaamacadda Carabta in
ay ka fiirsato la safashada dhinac ka mid ah dowladda iyo xafiis ka
furashada Jowhar iyo dhaqaale siinta dowladda FS, taasoo ay sheegeen in ay
keeni karto cawaaqib xumo ka dhalata Somaliya
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|