|
Xubnaha labada Gole ee Muqdisha oo sheegay shirka Wasiiradda IGAD ee 9
gaalka Bishan ka dhacaya Jowhar inuu yahay mid ay la safatay mid kamida
Garabyada DFS
Xubnaha labada gole ee magaaldda Muqdisho ayaa maanta kulan ay ku
yeesheen Hotel Saxafi kaga hadleen arimo la xiriira shirka la sheegay in
wasiirada arimaha dibadda ee dalalka IGAD ay ku yeelan doonaan Jowhar iyo
lacagaha been abuurka ah oo ay sheegeen in dhowaan la soo galiyay magaalada
Muqdisho.
Kulankii maanta ay yeesheen xubnaha labada gole ee dowlada FS garabka
Muqdisho oo ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen ayaa gabagabadii waxaa
saxaafadda la hadlay xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo sheegay in ay ka wada
hadleen shirka la sheegay in Jowhar ay ku yeelanayaan 9 ka bishaan wasiirada
arimaha diabadda ee dalalka IGAD oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid
muujinaya in IGAD ay la safatay garab ka mid ah dowladdii Kenya lagu soo
dhisay isla markaana aaney dhex dhexaad ka aheyn arimaha Somalia, iyagoo ugu
baaqay IGAD in ay ka fiirsato kulankaasi isla markaana ay dhex dhexaad ka
noqdaan arinta labada gole ee DFS.
Xubnaha labada gole ee dowladda FS ayaa waxa ay sidoo kale kulankooda uga
hadleen lacagaha been abuurka ah ee ay sheegeen in dhowaan la soo galiyay
magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in lagu soo daabacay magaalada Boosaso
isla markaana ay qatar ku tahay dhaqaalaha dalka, iyagoo uga mahadceliyay
sarifleyaasha iyo ganacsatada qaar sida ay uga hortageen lacagahaasi been
abuurka ah.
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay ka xun yihiin xasuuqa ka dhacay dalka
Ethiopia ee ka dhashay natiijada doorashooyinkii Baarlamanka dalkaasi oo ay
sheegeen in markii malezenawi looga guuleystay doorashadaasi uu bilaabay in
uu xasuuq iyo xarig u geysto xubno ka tirsan mucaaradka dalkaasi iyo dad
rayid ah oo banaanbaxyo dhighayay.
Kulankii maanya ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka ganacsiga dowladda
FS Muuse Suudi Yalaxow iyo wasiirka amiga qaranka dowladda FS Max'ed Qanyare
Afrax.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|