|
Kulankii golaha wasiirada uu shir gudoominaayey R/Geedi oo ka dhacay Xarunta
madaxtooyadda Villa Somaliya
 
Kulankani oo uu shir gudoominaayey R/Geedi oo ku soo gabagaboobay xarunta
madaxtooyada ee Villa Somaliya ee magaalada Muqdisho Kulankaan oo ay ka soo
qeybgaleen xubno ka tirsan golaha xukuumadda FS iyo xildhibaano ka tirsan
baarlamanka FS ayaa waxaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo dood dheer ka dib
ay soo saareen

Qodobadaasi ayaa waxaa ka mid ahaa cambaareyn ay u soo jeediyeen falkii
shalay ka dhacay magaalada Muqdisho markii uu ra'isulwasaare Geedi iyo
wafdigii uu horkacayay ay soo gaareen magaalada Muqdisho

Wasiirka dhulka iyo degaameynta Mowliid Macaane oo kulankaasi ka dib
saxaafadda u aqriyay waxii ka soo baxay kulankooda ayaa waxa uu sheegay in
qodobadii ay ka soo saareen ay ka mdi tahay in la magacaabo Gudi soo baara
dhacdiii shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo Gudigaasi Gudoomiye looga dhigay
Ra'isulwasaare k/xigeenka ahna wasiirka arimaha
 
gudaha Xuseen Ceydiid, in wasiirka amniga Max'ed Qanyare Afrax iyo
wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow oo ay sheegeen in si bareer ah ay u
diideen ka soo qeybgalka shirkii maanta golaha wasiirada ee lagu qabtey
Villa Somaliya, ay ogeysiinayaan shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka
in labadaasi wasiir ay caqabad ku yihiin geedi socodka nabadda Somaliya.

Prof. Geedi oo isna la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu ka jawaabay su'aalo
dhowr ah oo ku saabsan intooda badan qaraxii shalay dhacay, isagoo ku
tilmaamay qaraxaasi in uu ahaa mid muujinaya dagaal lagu hayo sharafta iyo
karaamada Soomaaliyeed, isla markaana aanu uga baaqsan doonin howlahooda
nabadda.

Wasiiradii muqdisho ku sugnaa oo ka soo qayb galay ayaa waxaa kamid ahaa
wasiirka macdanta iyo biyaha Maxamuud Salaad Nuur wasiiru dowlaha gaadiidka
bada iyo dekadaha Maxamed Jaamac Furux iyo xubno kamida xildhibaanadii
Muqdsho uu kamid yahay INJ Maxamed Cuseen Cadow xildhibaan Xuseen Carale
 
Geedi waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid fuleynimo ah isla markaana
beesha caalamka iyo dhamaan inta waxgaradka ah ay cambaareeysay waa sida uu
hadalka u dhigaye waxa kaloo geedi sheegay inay Beesha caalamka ay u soo
gurmatay oo shan kaida dhaawicii ay ku qaadeen Diyaarad aan balaasuliyey
Nayroobi
Muxyadiin Cali jimacaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|