|
Golaha
wasiirada Jowhar ku sugan oo maanta kulan ay albaabadu u xiran yihiin
yeeshay
Golaha wasiirada ee ku
sugan magaalada Jowhar ee xarunta dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya
ayaa maanta waxa uu magaalada Jowhar uga furmay kulan ay albaabadu u xiran
yihiin oo ay shir gudoominayay ra’isulwasaaraha dawlada federaalka
Soomaaliya cali Maxamed Geedi .
Kulankan ayaa
waxaa looga wada hadlayay arimo dhowr ah oo ay ugu waa weynaayeen
miizaaniyada dawlada ,xaaladauu iminka ku sugan yahay wadanka iyo
waxyaabihii kasoo baxay kulankii dhex maray ergeyga gaarka ah ee qaramada
midoobay ugu qaabilsan arimaha Soomaaliya faransi fall , madaxweynaha
dawlada federaalka Soomaaliya C/laahi yuusuf Axmed iyo ra’isulwasaaraha
dawlada federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.
Kulankan golaha
wasiirada ee Jowhar ku sugan ay yeesheen ayaa ah mid aanay xubnaha golaha
wasiirada oo dhan kawada qyb galaynin ayadoo in ku dhow toban wasiir ay ku
sugan yihiin magaalada muqdisho .Kulankan ayaa lagu tirinayaa inuu yahay kii
ugu horeeyey ee ay yeeshaan xubnaha golaha wasiirada tan iyo markii lagu
dhawaaqay in xukuumada ay soo degtay gudaha wadanka Soomaaliya.
Maxamed Cumar
Sheeq
Rochester Somali Tv Muqdisho .
Mcadde@rstvonline.com
|