| Golaha
Deeganaka uu yeelanaayo Gobolka banaadir ayaa socoto isu keenidooda,
Gudigii loo xilsaaray arimaha maamul u sameynta gobolka Banadir ayaa sheegay
in ay socoto dadaalo la isugu keenayo golayaasha deegaan ee maamulka gobolka
Banadir oo dhowaan xubnana labada gole ee Muqdisho ay anisixiyeen.
XIldhibaan Axmed Diiriye oo ka mid ah gudiga u xilsaaran arimaha maamul u
sameynta gobolka Banadir oo maanta u saxaafada ayaa waxa uu sheegay golaha
degaanka gobolka Banadir oo dhowaan xubnaha Baarlamanka Muqdisho u kala
qeybiyay beelaha gobolka Banadir ay mareyso heer gabo gabo ah.
Xildhibaan Axmed Diiriye waxaa kaloo uu sheegay in beelaha qaar ay soo
gudbiyeen xubnihii uga mid noqon lahaa golaha degaanka gobolka Banadir,
iyadoo beelaha aan wali soo gudbin sida uu sheegay ay ku howlan yihiin sidii
ay isaga soo dhex xuli lahaayeen xubnahii uga mid noqon lahaa maamulka cusub
ee gobolka Banadir, isagoo intaasi ku daray in rajo weyn ay ka qabaan
arimahaasi in ay ku dhamaadaan sidii loogu talo galay isla markaana uu soo
gabogaboobo bilowga todobaadka soo socda.
Golaha degaanka gobolka Banadir ayaa xeerka loo sameeyay waxa uu awood u
siinayaa in ay dhisaan maamul uu yeesho gobolka Banadir, taasoo mudooyinkaan
ay ku howlanaayeen sidii ay u soo gabo gabeyn lahaayeen xubnaha loo
xilsaaray arimhaasi, taasoo ka dhigaysa markii ugu horeysay oo gole degaan
uu yeesho gobolkla Banadir
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|