Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha amaanka oo canaan kulul u jeedisay xubnaha labada Gole ee Somaliya

Golaha amaanka ee Q.M ayaa canaantii ugu kululeed u jeediyay garbayadda is heysta ee DFKMG Soomaaliya, waxuuna Golaha uu ku booriyay kooxaha iska soo horjeeda in ay meel isugu yimaadaan oo ay xaliyaan fowdada ka taagan Soomaliya iyo burcad badeeda waqtiyadan dambe ku soo korortay xeebaha Soomaaliya.

Golaha Amaanka Q.M oo shalay warbixin ka dhageystay ergayga Xogayaha guud u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Francois Fall, ayaa ku booriyay DFKMG Soomaaliya ee ka badin la’ isheysiga dhexdeeda ka jira in ay xaliyaan khilaafka u dhaxeeya.

hadal ka soo baxay Golaha amaanka ayaa sidoo kale ku cadaadinaya mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka in ay dhammeystiraan qorshe la doonayo in lagu baadi gobo amaanka iyo xasiloonida qaranka Soomaaliya.

dhinaca kale hadal ay si wada jir ah u soo saareen guud ahaan xubnaha 15-ka ah eek u jira Golaha amaanka ee Q.M ayaa waxaa lagu cambaareeyay isku deygii dil eel ala beegsaday Ra’iisal wasaare Geedi mar dhowaatan uu joogay Muqdishu, waa sida Golaha uu u dhigay hadalkiisa.

waxaa sidoo kale Golaha amaanka uu niyad xumo ka muujiyay shaqo la’aanta Baarlamanka Soomaaliya waxuuna Golaha erayada adag uu ku cadeeyay in kooxna aan laga aqbali doonin in cudud militeri ay ku raadiso xalinta khilaafka imminka ka dhex jira DFKMG Soomaaliya.

Golaha Amaanka ee Q.M ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay mowjadaha weerar ee kooxaha burcad badeeda ay ka geysanayaan xeebaha Soomaaliya, waxuuna golaha uu ugu baaqay wadamadda Gobolka iyo ururada caalamiga in ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa dhibataadda burcad badeeda Soomaaliya.

dhinaca kale ergayga Q.M u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in Soomaaliya ay hoy u noqon karto argagixasadda waayo buu yiri, dalka Somalia waa dal guul dareystay oo ay ku xoogeysanayaan kooxha mayalka adag.

Francois Lonseny Fall, ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaaladda New York in kulankii iradaha u xirnaa ee uu la yeeshay Golaha amaanka uu ku wargeliyay golaha in aysan aheyn magaaladda Muqdishu oo keliya goobta ay ku xoogeysanayaan kooxaha xag jirka ah balse guud ahaan Soomaaliya inteeda kale ay ka jirta sare kaca kooxahani mayalka adag oo mararka qaar geysta buu yiri, weeraro shirqool ah.

halista jirta ma ahan mid ku kooban Soomaaliya kaligeed ee waa guud ahaan gobolka, ayuu yiri Fall.

Francois Lonseny Fall, ergayga xogayaha guud ee Q.M u qaabilsan Soomaaliya waxa uu sheegay in xaaladda ka jirta Soomaaliya ay tahay mid halis ku ah nabadda iyo amaanka caalamka maadaama Soomaaliya aysan ka jirin dowlad awood leh, ayuu yiri.

"markii uu jiro dal guul dareystay sida Soomaaliya oo kale oo aysan ka jirin wax maamul ah, waxaa jirta fursad ah in kooxaha argagixsadda ay ku bataan, waxay arrintani ay horay ugu dhacday Afganist

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya