Golaha amaanka ee Q.M ayaa kooxaha Somalida ugu baaqay inay
balaariyaan wadahadalka Xalinta Qilaafaadka ee DF SomaliyaGolaha
amanaka ee Q.M aya ku booriyey dhamaan kooxaha Soomaalida inay dib boorka
isaga jafaan oo ay xal nabadeed u raadiyaan khiliaafkooda, iyadoo loo marayo
wadahadal xaga siyaasada ah.
Goluhu waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Soomaalida ay wax ku
qaataan baaqooda oo ay soo afjaraan khilaafka u dhaxeeya.
Gudoomiyaha iminka ee golaha amaanka Mihnea Motoc ayaa hadalkan boorinta
ah ka sheegay shir jaraa’id oo xubnaha golaha ay ku muujiyeen sida ay uga
xun yihiin dilkii todobaadkan loo geystay sarkaal xaga amaanka qaabilsan oo
ka tirsan hay’ada UNDP, kaasoo kooxo dabley ah ay ku dileen magaalada
Kismaayo.
Golaha amaanka ayaa carabka ku adkeeyey in ay sii wadayaan taageerada la
xiriirta sidii loo xoojin lahaa xayiraada xaga hubka ah ee ssaaran dalka
Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen wadamada deriska in ay tixgeliyaan
xayiraadaasi.
Golaha amaanka waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Soomaalida
ay si dhab ah u eegaan howlaha ay kaga shaqeenayaan amaanka iyo xasiloonida
dalkooda.
Goluhu waxa uu xusay in ka shaqeynta amaanka Somaliya ay sidoo kale
muhiim u tahay guud ahaan nabadgalyada gobolka
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|