| Golaha
wasiirada Jowhar oo sheegay in maalmaha soo socda ay xafiis ka furan doonaan
Muqdisho.
Golaha wasiirada dowlada ku meelgaarka ah ee Somalia ayaa maanta kulan ay
albaabadu u xiranyihiin waxa uu ku yeeshay magaalada Jowhar xarunta dowlada
ku meel gaarka ah ee Somalia ,waxaana shirkaasi shir gudoominayay
ra'isulwasaaraha xukuumada federaalka ku meel gaarka ah ee Somalia cali
Maxamed geedi.
Ra'isulwasaaraha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia oo kulankaasi ugu
horeyntii ka hadlay ayaa xubnaha golaha wasiirada waxa uu siiyay war bixin
kooban oo ku saabsanayd socdaalkii uu ku tagay Talyaaniga iyo Kenya.
ra'isulwasaare Cali Maxamed geedi ayaa sheegay in labadii wadan ee uu
tagay uu kala soo kulmay soo dhaweyn iyo ballanqaadyo ay siinayaan dowlada
federaalka ku bmeel gaarka ah ee Somalia.
rai'isulwasaare Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay i magaalada roma uu
kulamo kula yeeshay xubno ka tirsan golaha wasiirada Talyaaniga oo ay isla
soo qaadeen taaba gelinta iyo gacan qabashada dowlada Somalia oo iminka
dhexdeeda oo ka taaganyahay khilaaf siyaasadeed.
Xubnaha golaha wasiirada ee maanta kulanka yeeshay ayaa isku raacay
inmaalmaha soo socda ay xafiis ka furato xukuumada ku meel gaarka ah ee
Somalia si ay howsheeda Muqdisho aanay u noqon mid aan caga fiican ku
taagnayd .
Xubnaha golaha wasiirada ayaa sheegay in xafiiska ay ka furanayaan
magaalada Muqdisho uu dhawaan xariga ka jarri dooba ra'isulwasaaraha Somalia
cali Maxamed geedi oo la filayo in maalmaha so socda uu booqasho ku yimaado
Muqdisho.
Afhayeenka xukuumada ku meel gaarka ah ee Somalia C/raxman Diinaare ayaa
kulankaasi ka dib saxaafada u sheegay in waxyaabihii ugu muhiimsanaa
kulankii maanta ay yeesheen golahawasiirada uu yahay xafiiska la go'aansaday
in laga fduro magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay afhayeenka in xafiiskaasi
uu madax ka noqon doono hooshiisana uu sii wadi doono wasiirka arimaha
gudaha ahna ra'isulwasaare ku xigeenka Xuseen Caydiid.
Kulankii maanta golaha wasiirada Jowhar ku sugan ay halkaa ku yeesheen
ayaa ah kulankoodii ugu horeeyey ee ay yeeshaan tan iyo markii uu
ra'isulwasaaraha dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi uu
dib ugu soo laabtay gudaha wadanka Somalia gaar ahaan magaalada Jowhar oo
iminka xaruntiisa ah.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com.
|