|
Gudomiya ku xigeenka dhinaca nabadgalyada maamulka gobolka Banadir ayaa ku
hanjabay in xabsiga ay u taxaabayaan Ibraahin Shaaweey
Max'ed Cismaan Cali Dhagax Tuur oo ah Gudoomiye K.xigeenka dhinaca
nabadgalyada maamulka gobolka Banadir ee oo maanta shir jaraa'id ku qabtey
Hotel Ramadan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in arimaha gobolka Banadir
iyagu ay ka shaqeynayaan, cid kale oo faraha la soo gali kartana aysan jirin
waa sida uu hadalka u dhigaye, waxa uu intaasi raaciyay in gacan adag ay ku
qaban doonaan isku day walba oo qalalaaso lagu galinayo habsami u socodka
maamulka gobolka Banadir, oo uu tilmaamay in qalalaasahaasi kuwa wada uu
qeyb ka yahay Ibraahim Shaaweey.
Waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka Banadir ee mas'uuliyadeeda loo soo
magacaabay Shaaweey uu ka mid noqon doono dadka ugu horeeya ee xabsiga loo
taxaabayo,iyadoo la gudanayo ayuu yiri howsha nabadgalyada gobolka Banadir
maadaama Shaaweey uu ka mid yahay dadka iyagu howlaha nabadgalyo darada ka
wada gobolka Banadir
Gudoomiye K/xigeenka dhinaca nabadgalyada maamulka gobolka Banadir .
oo saxaafadda qaar isagu ka sheegay in qeybo ka mid ah waaxyaha gobolka
Banadir ee uu dhowaan magacaabay Cadde Gaabow ay u soo shaqo tageen
xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa Dhagaxtuur waxa uu ku tilmaamay in ay
tahay been aan sal iyo raad toona la heyn ayna ka mid tahay oo ka liya
Aflagaadada Ibraahim Shaaweey
Ma ahan in aan u soo dulqaadano, shacabka gobolka Banadirna aan ku
fiirsano Shaaweey Talaabooyinka qaldan uu ka wado ayuu sii raaciyay" Dhagax
tuur.
Dhagaxtuur ayaa waxa uu intaasi ku daray in berri waxii ka dambeeya ay
fariisin ka dhigan doonaan xaruntii gobolka Banadir ee uu joogay C/laahi
Firinbi.
Muxydiin Cali Jimcaalle Jakula
jakuula@hotmail.com
Muqdishp Somaliya
|