Muqdisho maanta laga an sixiyuey Xubnaha uu yeelanaayo Golaha deegaanka ee
Gobolka BanaadirXubnaha labada gole ee Muqdisho ayaa ansixiyay
xubnaha golaha degaanka ee dhowaan ay sameeyeen gudigii u xilsaarnaa arimaha
maamul u sameynta gobolka Banadir ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Hotelka
saxafi ee magaalada Muqdisho.
Kulankii maanta ay isugu yimaadeen xubnaha dowladda garabka Muqdisho, oo
uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamanka FS Shariif Xasan Sheekh Aadan
ayaa waxa ay si buuxda ugu anixiyeen xubnaha golaha degaanka ee uu yeelanayo
maamulka gobolka Banadir.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ah afhayeenka xubnaha labada gole ee
Muqdisho kana mid ah Gudiga u xilsaaran maamul u sameynta gobolka Banadir
ayaa sheegay in ay sidoo kale xubnaha Baarlamanka ay gudigoodu u gudbiyeen
qaabka ay golahaasi oo 64 xubnood ka kooban ugu qeybiyeen beelaha kala duwan
ee Somalida, iyadoo beelaha loogu qeybiyay sidaan:-
Beesha Mudulood 13 xubnood.
Beesha Habar Giudir 9 xubnood.
Beesha Murusade 8 xubnood.
Beesha Digil iyo Mirifle 6 xubnood.
beesha Dir 4 xubnood.
Beesha Xawaadle 4 Xubnood.
Beesha Daarood 4 xubnood.
Beesha Duduble 3 xubnood.
Beesha Sheekhaal 2 xubnood.
Beesha Jareer 2 xubnood.
Beesha Reer Xamar 2 xubnood.
Beesha Gugundhabe 2 xubnood.
beesha Gaaljecel 2 xubnood.
Beesha Silcis 1 xubin.
Beesha Reer Ow xasan 1 xubin
Beesha Ujuuraan 1 xubin.
Waxaa kale uu sheegay.
Afhgayeenka Xubnaha labada gole ayaa waxaa kale uu sheegay in xubnaha
dowladda FS garabka Muqdisho ay sidoo kale ajandahooda ugu jirtey in ay ka
doonaan qodob la xiriirey arimaha dib u heshiisiinta ee labada garab ee
dowladda FS ee ku kala sugan magaalooyinak Muqdisho iyo Jowhar, hasa ahaatee
Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa dib u dhigay ka hadalka ajandahaasi ka dib
markii ay soo gaartay wararka la xiriira dilka loo geystay Qadar Cismaan
Cilmi Boqorre, waxa uuna Gudoomiyaha Baarlamanka FS tacsi u direy Gudoomiye
K/xigeenka Baarlamanka Boqorre ooku sugan magaalada Jowhar.
Gudoomiyaha Baarlamanka FS ayaa u xilsaaray xubno isugu jira wasiiro iyo
xildhibaano in ay ka qeybgalaan aaska Marxuumkaasi, iyadoo Gudoomiyaha
baarlamanka uu amar ku bixiyay in la soo baaro war cadna laga keeno cidda
iska leh Mas'uuliyadda weerarkaasi.
Qodobka la xiriira arimaha dib u heshiisiinta ee dib loo dhigay ayuu
Cumar Xaashi aadan sheegay in laga doodi doono maalinimada talaadada kulanka
ay ku yeelan doonaan Hotelka Saxafi, iyagoo go'aamo ka soo saari doono.
mUXYADIIN cali jimacaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|