Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Gobalka Mudug ayaa rajo laga qabaa xal laga gaaro beelihii ku dagaalamay halkaas

Gudoomiyaha gobolka G/gaduud Yuusuf Xasan Ciyow ayaa sheegay colaadihii u dhaxeeyay beelo wada dega Mudug iyo G/gaduud ay haatan soo dhawaatay xal ka gaaristeeda, uuna haatan Muqdisho u yimid dhameynta arintaasi.

Ciyow waxa uu yiri in mudo ah ayaynu ku howlaneyn sidii xal kama dameys ah looga gaari lahaa colaadaha u dhaxeeya beelaha wada dega gobolada Mudug iyo G/gaduud, kulamo aan la yeelanay dhinac yadaasi ayna soo dhaweeyeen dhameynta khilaafka ka taagan dhex dooda,

Colaadaha ka aloolsanaa gobolada Mudug iyo G/gaduud ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waliba barakac, iyadoo isku dayo hore oo la doonayay in lagu xaliyo dhibaatadaasi ay hirgaliwaayeen ayuu rajo ka muujiyay gudoomiyaha gobolka G/gaduud Yuusuf Xasan Ciyow in haatan la gaaray xiligii ugu haboonaa ee dadka degaankaasi ay iska iloobi lahaayeen khilaafka u dhaxeeya, ayna ka wada shaqeyn lahaayeen danta shacabka oo u baahan nabad iyo daganaasho ay ku wada nolaaadaan.