Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Maxwell Gaylard u qaybsanaha Qaramada Midoobay dhinaca Gargaarka oo Jowhar soo gaaray

Wafdi uu hogaaminayo isku duwaha Qaramada Midoobey ee deeqaha caalamiga ah soomaaliya Mr Maxwell Gaylard ayaa maanta soo gaaray magaalada jowhar ee xarunta ku meel gaarka DF Somaliya

Maxwell Geylard ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda FS intooda ku sugan magaalada Jowhar iyo xubno sare oo ka socda maamulka gobolka Sh/dhexe.

Maxwell Geylard oo iminka ku sugan xarunta dowladda FS ay ku leedahay magaalada Jowhar ayaa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay in ay tahay sidii hay’adaha samafalka oo ka baxay magaaladaasi bishii hore ay dib ugu soo laaban lahaayeen, waxaana imaatinka Maxwell Geylard ee magaalada Jowhar lagu sheegay in ay googol xaar u tahay ku soo laabashada hay’adaha Q.M ee magaalada Jowhar.

Lama garanaayo inta maalmood uu joogi doono magaalada Jowhar, iyadoo aan la shaacin in kulamo uu la qaadan doono mas’uuliyiinta dowladda FS, balse waxaa la sheegay in saxaafadda uu la hadli doono maalinta berri ah.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya