Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

R/wasaare Geedi oo safar deg deg ah ku gaaray caasimada dalka Kenya ee Neyroobi

Ra段sulwasaarahaa dowladda FS Cali Max弾d Geedi ayaa safar deg deg ah uga ambabaxay magaalada Jowhar ee xatunta gobolka Sh/hoose, isagoo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir K/xigeenka wasaaaradda warfaafinta dowladda FS Salaad

Cali Jeelle oo RSTV la xiriirtey isagoo ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxa uu sheegay in safarka Ra段sul wasaaruhu uu yahay mid shaqo mudo labo cesho ahna uu joogi doono caasimadda dalka Kenya ee Nairobi balse aanu faah faahin ujeedada rasmiga ah ee Ra段uslwasaaruhu u tagay dalka Kenya.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Nairobi uu kulan kula yeesho Ra段sulwasaaraha wakiilka gaarka ah ee Q.M u qaabilsan arimaha Somaliya Farancois fall oo mudooyinkaan tambe ku taamayay sidii uu isugu keeni lahaa xubnaha dowladda ee ku kala suwan magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Sidoo kale Afhayeenka Baarlamanka dowladda FS Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna lagu wadaa in uu soo gaaro caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, balse warar aan la xaqiijin ayaa waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan uu la kulmi doono Fall iyo Ra段sulwasaare Geedi.

Ra段sulwasaare Geedi ayaa la sheegay in uu ku soo laaban doono labo maalmo ka dib marka uu soo dhameysto boqashadiisa magaalada Jowhar oo xarun u ah garabka ka mid ah dowladda FS.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya