Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Geedi iyo wafidigiisaii oo dig ugu soo laabtay magaalada Jowhar .

 Raisulwasaaraha dawlada Somalia Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayey oo ay ka mid aheeyeen xubno ka tirsan labada gole iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe maxamed Cumar xabeeb Maxamed dheere ayaa abaarihii  duhurnimadii maanta dig ugu soo laabtay magalaada Jowhar ee xarunta kmg ah ee Somalia.

 Xubnaha  Geedi uu hogaaminayey  ayaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Jowhar waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dawlada ,masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe iyo dadweyne kale oo fara badan .Ra'isulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xalay ilaa iyo saaka waxa ay kulamo kula yeesheen magaalada Gaalkacyo madaxweynaha dawlada Somalia iyo mas'uuliyiinta kale ,ayadoo xalayna kulan gaar ah uu magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray madaxweyanaha ,ra'isulwasare Geedi iyo guduumiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb .

 Kulanka ay wada qaateen saddexdan mas'uul ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay albaabadu u xiran yihiin oo aan la garan Karin waxyaabaha dhabta oo ay kawada hadleen.

 Laakiin warar kale ayaa sheegaya in kulamo kale oo ay mas'uuliyiintan wada qaateen  ay kaga wada  hadleen qaabka madaxweynaha Somalia uu safar dhanka dhulka ah ugu imin karo magaalada jowhar .mas'uuliyiintan ayaa sidoo kalae kawada hadlay sidii loo ururin lahaa  ciidamada qaranka iyo qaabkii loo howl galin lahaa , ayadoo madaxweyanaha, raisulweasaaraha iyo gudoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe  maxamed dheere ay isku waafaqeen in sida ugu  dhaqsiyaha badan loo howl galiyo ciidamada xoogga dalka  .

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho.

Cadde_8@hotmail.com