Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra'isulwasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya oo maanta u duulay magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya.

Duhurnimadii maanta ayaa ra'isulwasaaraha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo waxa ay ka dhoofeeen garoonka dayaaradaha magaalada jowhar ee xarunta dawlada federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

 raisulwasaaraha ayaa la sheegayaa in safarkiisa magaalada xarunta u ah wadanka kenya ay ku wehliyaan wafdi ka socda xukuumada soomaaliya oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano aan tiradooda sidaa u badnayn.warar aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Geedi uu kula kulmayo magaalada Nairobi gudoomiyaha barlamaanka Shariiif Xasan Sheekh Aadan si ay u dhameeyaan khilaafka ka dhex jira xubnaha dawlada federaallka.

 Cali Maxamed Geedi ra'isulwasaaraha dawlada ku meel gaarka ee federaalka  Soomaaliya ayaa sheegay ka hor inta aanu dayaarada raacin  in ujeedka socdaalkiisa ee magaalada Nairobi aanu ahayn mid ku salaysan kulan dhexmara asaga iyo gudoomiyaha barlamaanka oo maalintii shalay ahayd halkaa gaaray.

 Geedi ayaa tilmaamay in isagu aanu diidaynin haddii ay isku arkaan gudoomiyaha magaalada Nairobi in ay kulan yeeshaan .Arintan ayaa u muuqata haddii ay dhab noqoto  in dawlada Kenya ay isku dayayso markeeda in ay dhexdhexaadiso xubnaha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee siyaasada isku mari waayay.

si kastaba ha ahaatee socdaalka Geedi ee magaalada Nairobi ayaa dad badan waxa ay ka rajeynayaan in uu guul ku soo dhamaado ayagoo tilmaamaya in ra'isulwasaaraha waxyaabaha uu halkaa u aaday ay tahay in uu la kulmo gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan si ay usoo dhameeyaan khilaafka ka dhex jira xubnaha dawlada ayna filayaan in labada mas'uul ay isu tanasuli doonaan oo ay heshiis dhab ah gaari doonaan maadaama horey laba jeer la isugu dayaya in la dhameeyo khilaafkooda balse lagu guul daraystay haatan ay filayaan in kulankan uu noqon doono mid lagu xaliyo arimihii keenay inuu khilaaf soo kala dhex galo xubnaha dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.