Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Geedi oo sheegay in ciidamo Faransiis ah ay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta xeebaha Somalia

Ciidamada Faransiiska ee ku sugan wadanka Jabuuti ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan howlaha lagu ilaalinayo xeebaha Somaliya oo waayadaan dabme ay ku soo bateen burcad badeedyo halis ku noqdey maraakiibta iyo doomaha isticmaala biyo goboleedka Somaliya..

Ra’isulwasaaraha Dowladda FS Prof .Cali Max’ed Geedi oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa ka war bixiyey safaro uu ku tagay dalal dhowr ah gaar ahaan magaalada Bomako ee dalka Maali halkaasi oo uu kaga qeybgalay shirkii ay yeesheen madaxda wadamada ku hadla afka faransiiska.

Shirkaasi oo looga hadlay intiisa badan dhibaatooyinka iyo dagaalada ka jira qaaradda Afrika ayaa Ra’isulwasaare Geedi waxa uu sheegay in halkaasi uu kula kulmay madax badan oo Afrikaan ah iyo waliba Madaxweynaha dowladda Faransiiska oo uu sheegay in uu ka balan qaaday in uu ka caawin doono dowladda FS la dagaalanka Burcad Badeedka iyo waliba dib u dhiska dalka Somaliya.

Ra’isulwasaare Geedi ayaa waxa uu sheegay in codsiyo badan oo ku aadan amuuraha wadanka Somaliya uu u gudbiyay Madaxweynaha Faransiika, waxa uuna sheegay in uu ka aqbalay in ciidamada Faransiiska ee jooga wadanka Jabuti ay ilaaliyaan xeebaha Somaliya si loo helo amni ay isku haleyn karaan maraakiibta iyo doomaha mara xeebaha Somaliya.

Ra’isulwasaaraha Somaliya Prof.Cali Max’ed Geedi ayaa hadalkan ka sheegay kulan maanta xubnaha labada gole ee dowladda FS ay ku yeesheen magaalada Jowhar, kulankaasi oouu uga war bixiyey safaradii uu ku tagay dalal dhowr ah oo ku yaala qaaradaha Yurub iyo Africa.


Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula

Muqdisho

Jakuula@hotmail.com