Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  R/wasaare Geedi oo magacaabay taliyaha ciidanka booliska Gobolka Banaadir,

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali Max'ed Geedi oo maanta la shaaciyay ayaa lagu magacaabay Taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banadir.

Wareegtadaan oo soo baxday 19 kii bishii September 2005 ta maantana la shaaciyay ayaa waxaa lagu magacaabay G/sare Cali Saciid Xasan Cawaale in uu noqdo taliyaha ciidanka Booliska gobolka Banadir sida.

Wareegtadaasi oo nuqul ka mid ah soo gaaray RSTV  ayaa waxaa ku xusnaa Magacaabista G/sare Cali Saciid in ay timid ka dib markii la arkay xaaladda uu ku sugan yahay gobolka Banadir.

Wasiirka arimaha Gudaha Dowladda FS ahna Ra'isulwasaare k/xigeenka ayaa Bishii May 25, 2005 waxa uu ku wargaliyay Ra'isulwasaare Geedi in uu u magacaabo Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banadir G/sare Cali Sacii, isagoo noqonaya mas'uulkii ugu dambeeyay oo xil loogu magacaabo gobolka Banadir.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya