R/Geedi oo maanta ka baaqday safarkiisii Muqdisho uu ku imin lahaa
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe
oo xarun KMG u ah dowladda federaalka ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku
yimid safarkii Ra`iisal wasaare Cali Maxamad Geeddi uu ku imaan lahaa
magaalada Muqdisho.
Baaqashada safarka ayaa wararku sheegayaan inay la xiriirto cilado xagga
isku xirka diyaaradda ah sida uu xaqiijiyay wariyaha Somalinet ee jowhar
Maxamad Yuusuf oo sidoo kale sheegay inuu baaqday safarkii uu magaalada
Jowhar ku imaan lahaa wasiirka arimaha gudaha dowladda federaalka soomaaliya
Xuseen Maxamad Caydiid oo isna ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in maalinka beri ah Mr Geeddi uu yimaado
magaalada Muqdisho si uu Xaafiis uga uga furo magaalada Muqdisho isaga iyo
wafdi balaaran oo ka mida golihiisa wasiirada.
Waxaana maanta si weyn looga diyaar garoobay soo dhaweyntiisa magaalda
muqdisho iyadoo ay goob joog ahaayeen ilaa 200 qol oo ah gaadiidka dagalka
oo lagu sugi lahaa abniga Mr geedi
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|