|
R/wasaare Cali Maxamed Geedi
oo u duulay Liibiya
wafdi ballaaran oo uu hogaaminayey
ra'isulwasaaraha xukuumada kmg ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi ayaa maanta
ka duulay garoonka dayaaradaha ee magaallada Jowhar ayagoo ku wajahan
maagalada Tiriboli ee caasimada wadanka Liibiya.
Xubnaha ra'isulwasaaraha ku wehliyey
socdaalkiisa ayaa waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenka koobaad Prof Maxamed
Cumar Dhalxa ,wasiirka iskaashiga gobolada ahna ra’isulwasaare ku xigeenka
Ismacil Maxamuud,wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/raisaq
Jurille iyo xubno kale oo aad u fara badan. Shirkan wadamada midowga Afrika
ay ku yeelanayaan magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa la sheegayaa in uu
furmi doono 4ta bishan aynu ku jirno
Dhanka kale wasiirada ku sugan
magaalada Jowhar ayaa maanta kulankan ku yeeshay magaalada Jowhar ee
xarunta dawlada ,kulankan ayaa la sheegayaa in diirada lagu saarayey howlaha
dawlada sidii loo dardar gelin lahaa iyo sidii howlaha dawlada ll wada
gaarsiin lahaa guud ahaan gobolada dalka Somalia.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|