|
R/wasaare
Geedi ayaa u dhoofay wadanka
Senegal.
Ra’isulwasaaraha
dawlada federaalka kmg ah ee Somalia Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu
horkacayo ayaa duhurnimadii maanta ka ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta
gobolka Shabelaha dhexe .Geedi iyo wafdigiisa ayaa u dhoofay wadanka Senegal
ee galbeedka Africa ku yaalla balse waxa ay kusii hakandoonaan magaalada
Djibouti ee caasimada wadanka Djibouti.
Geedi ayaa
socdaalkiisa waxaa ku wehliya xubno ay ku mid yihiin wasiirka warfaafinta
dawlada Somalia Maxamed Xayir ,wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga
ah C/risaq Jurille ,afhayeenka dawlada Somalia C/raxman Nuur Maxamed
Diinaari iyo xubno kale.Wafdiga Geedi oo halkaasi muddo todobaad ah ku
sugnaan doono ayaa waxa martiqaad ay ka heleen madaxweynaha wadanka
Senegal .
Ujeedka socdaalka
Geedi iyo wafdigiisa ayaa lagu sheegay in tahay la kulanka wasiirka arimaha
dibada mareykanka Kondaliza Rays oo dhawaan la filayo in ay halkaa soo
gaarto sida uu u sheegay saxaafada afhayeenka dawlada C/raxman Diinaari.Lama
yaqaan sababta rasmiga ah ee ka danbeysa kulanka dhexmaraya Rays iyo wafdiga
ra’isulwasaaraha dawlada federaalka kmg ah ee Somalia .
Maxamed Cumar
Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|