|
R/wasaare geedi oo sheegay in aan la aqbalaynin qorsha ay wadan
hogaamiyaasha muqdisho
R/wasaaraha Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa
waxa uu cadeeyay inaanu aqbali doonin waxa uu ku sheegay qorshayaasha ay
wadaan hogaamiyaasha Muqdisho ku sugan.
Prof. Geedi ayaa waxa uu sheegay in qorshayaasha hogaamiyaasha dagaal ee
saldhigtay Muqdisho oo carqaladeynaya howlaha dib u heshiisiinta ee u
jeedadoodu tahay soo celinta nabadgelyaga iyo degenaanshaha dalka oo ku
yaala geeska Afrika , waxa uuna tilmaamay arin aan la aqbali Karin oo aaney
faa’ido ku sugneyn .
Geedi oo ka warcelinayay kulanka istiraajiyadeed hogaamiyaasha dagaal uga
bilowday Muqdisho ee isla eegaya taageerada ama diidmada ay kala
hor’imaanayaan xukuumadiisa ayaa waxa uu ku sheegay in hogaamiyaasha ku
hubeysan Muqdisho oo qaarkood xubno ka ah Xukuumadda uu hogaamiyo ay waajib
ku tahay in u howlgalaan nabadda oo ay ka gudbaan carqaladeynta iyo wax is
hortaaga .
R/wasaare Cali Maxamed Geedi oo war qoraal ah ka soo saaray Magaalada
Jowhar oo ay daabacday Shabakada Moheet oo laga leeyahay dalka Masar ayaa
waxa uu ku xusay qoraalkiisa inaan la aqbali Karin qalalaasaha iyo
waxyaabaha argagaxa leh ee ka soo yeeraya Muqdisho ,isagoo codsaday in
arintaasi lagu badalo nabad
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|