Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

R/wasaare Geedi oo maanta Muqdisho ka duulay isgoo gaaray magaalada Jowhar

Ra'isulwasaaraha dowlada FS Prof. Cali Max'ed Geedi iyo wafdigiisa oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa u ambabaxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Ra'isulwasaare Geedi iyo wafdigiisa oo mudooyinkaan ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka ambabaxay Hotelka Ramadaan halkaasi oo markii hore ay ku soo dageen isaga iyo wafddigiisa.

Waxaana isla glabta gelinkii danbe sidiiran loogu soo dhaweeyey magaalada jowhor, halkaasi ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dowladda FS oo uu ugu Weyn yahay Madaxweyne C/laahji Yuusuf.

Wafdigaan ayaa Maalintii ay yimaadeen magaalada Muqdisho waxa ay wadada kala kulmeen Qarax bam oo aan la sheegin cida Geysatay, iyagoo sidoo kale maalintii labaad uu kulamo ku yeeshay xarunta vila somaliya uu dagan yahay R/kuxeenka ahan wasiirka arimaha gudah inj Xuseen Maxamed Caydiid,

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya