|
Ra'iisul Wasaare Geedi oo maanta furay Kulan lagu dersayo Baahida dib u
dhiska Dalka Soomaaliya
Nairobi - Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG prof Cali Maxamed
Geedi ayaa maanta ka furay Hoteelka Windsor ee Magaalada Neyrobi, Qubaro
Soomaaliyeed iyo kuwa Ajnabi ay ku dersi doonaan Diyaarinta Baahida
barnaamijka Dib-loogu dhiso Dalka Soomaaliya.
Munaasabadda Furitaanka Kulankaasi oo ay raiisul Wasaare Gedi ku
wehliyeen ku-xigeenkiisa, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Injineer Xuseen
Ceydiid,Wasiirka Qoresheynta Dr.Cabdirisaaq Xasan Cusmaan Juriile waxaa si
wadajira usoo diyaariyay hay'adaha bangiga Addunka,UNDP iyo EC waxa uu socon
doonaa muddo sadax cisha ah,iyadoo looga doodi doono qoddobo muhiim u ah dib
u dhiska Dalka Soomaaliyeed oo ay burburiyeen Dagaalo Sokeeye oo socday
15kii sano ee tagtay.
Munaasbadda Furitaanka Kulankasi Khudbad uu ka jeediyay Raiisul Wasaare
Geedi waxa uu si qota dheer uga waramay muhiimadda uu kulanka u leeyahay
sidii wax looga qaban lahaa baahida la xiriirta dib u dhiska iyo horumarinta
Dhaqaalaha iyo adeegyada muhiimka u ah Nolosha Dadka Soomaaliyeed.
Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya
Mudane Francois Fall, Xiriiriyaha hay'adaha Qaramada Midoobay Muidane Max
Gaylard, Wakiil ka socday Guddiga Yurub iyo Bangiga Addunka oo Munaasbadaasi
waxay dhamaan Xuseen baahida loo qabo qabashada kulankaasi iyagoo caddeeyay
in ay muhiim tahay in Beesha Caalamka iyo Qubarada Soomaaliyeed ay iska
kaashadaan Ogaanshaha Baahida ku aadan dib u dhiska Dalka iyagoo tilmaamay
inay si buuxda u taagi doonaan sidii loo maalgalin lahaa wixii daraasad ee
ka soo baxo kulanka,islamarkaana Beesha caalamka ugu qaban laheyd Shirweyne
loogu yabaahayo Dhaqaale dib loogu dhiso Dalka Soomaaliya.
Kulanka oo ku dhacay jawi aad u sareeyay waxa uu wax weyn ka tari doonaa
sidii Soomaalida gacan loogu siin lahaa dib u dhiska Dalka.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|