Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

R/wasaare Geedi oo kadhoofay magaaladda Jowhar

Ra'isulwasaaraha dowladda DFS prof. Cali max'ed Geedi ayaa waxa uu ka amababaxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, isagoo ku sii jeeda magaalada Adis ababa ee dalka Ethiopia

R/wasaaraha ayaa dabeedna kaga sii baqooli doona dhinaca dalka Belgiumka.

Ra'isulwasaare Geedi iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah K/xigeenkiisa ahna wasiirka Maaliyadda Saalim Caliyow Ibrow iyo wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan Jurille.

Geedi ayaa waxaa lagu wadaa in dalka Ethiopia uu kula kulmo mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Federaalka Ethiopia iyo xubno sar sare oo ka tirsan Midowga Afrika.

Ujeedada socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in ay tahay kulan uu madaxda midowga Yurub kula qaadan doono magaalada Brussels ee dalka Belgium ka.

Socdaalka Ra'isulwasaaraha ayaa waxa uu ku soo beegmay maalin k adib marki wafdi ka socda Midowga Yurub ay booqasho ku yimaadeen magaalada Johwar ee xarunta gobolka Sh/dhexe oo fariisin u ah Garab ka mid ah dowladda FS.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya