|
Geedi iyo C/laahi
oo wada howlo ay ciidamo ku ururinayaan.
wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeelaha dhexe
ahna xarunta kumeel gaar ka ah ee dawlada Soomaaliya ayaa sheegaya in
madaxweynaha dawlada Soomaaliya iyo ra'isulwasaare |Geedi ay wadaan
dhaqdhaqaaqyo ballaaran oo ay ku doonayaan in ciidamo balllaaranoo aad u
xoogan ay ku ururiyaan gobolka Shabee;aha dhexe.
wararka ayaa intaa ku daraya in labada mas'uul ee ugu sar sareeya dawlada
ay maalmahan booqasho ka tagayeen goobo kala duwan oo ka tirtsan gudaha
iyo dibada magaalada Jowhar si u eegaan goobaha ugu haboon ee laga dhisi
karo xeryaha lagu ururinayo ciidanka ay doonayaan in dhawaan diiwaan
gelintiisu ay bilaabato.
madaxweynaha oo ay wehliyaan ra'isulwasaaraha iyo gudoomiyaha gobolka
Shabeelaha dhexe Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed dheere ay booqdeen maanta
warshadii hore ee rasaasta ee ku taalllay deegaanka Mahaddaay ee gobolka
Shabeelaha dhexe si ayaduna ay uga mid noqoto xerooyinka lagu xareynayo
maleeshiyaadka dhawaan la diiwaan gelinayo.
madaxweynaha ayaa maalintii habeenkii ay arbacada soo galaysay waxa uu u
sheegay in maleeshiyooyinka hubeysan laga doonayo in ayaga iyo hubkooda ay
ka mid noqdaan ciiddanka xoogga dalka ayna heli doonaan mushaaraad fiican
oo ka badan inta haatan kasoo gasha goobaha ay u yaallaam jidgooyooyinka
ay dadka ku dhacaan.
Maxamed Cadde
Rochester Somali Tv Muqdisho
|