Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan gaar ah oo ay teesheen R/ Geedi iyo Mr Gaylard oo ka dhacay xarunta Unicef

Sida aynu ka helaynay ilo ku dhow dhow Xarunta Hey’ada Unicef ayaa sheegay in Kulankan looga hadlayay arimo badan oo quseeya xaalada Dowladda Soomaaliya iyo Balanqaadyo ay hore u sameysay Hey’adda UNDP taasoo ku aadan fulinta balanqaadyada ay sameysay Hey’adaas.

Warar aanu ka helaynay Xarunta Hey’ada Unicef ee magaalada Jowhar ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan In Mr. Gaylard uu balan qaaday inuu dhaqaalihii ay UNDP ugu tala gashay Dowladda ay dar dar gelin doonto,isagoo xusay in UNDP ka qeyb qaadan doonto Hawlaha Dowladda ee ah Tababarida Ciidamada.

Shirkan saakay dhex maray prof Geeddi iyo Mr. Gaylard ayaan laga soo saarin hadal rasmi ah balse ila muhiima ay sheegayaan in la isku afgartay waxyaabihii laga wad hadlay

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya