Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa la sheegay inuu magaalada muqdisho ku soo fool leeyahay kadib markii dhawr jeer hore socdaalkiisa Muqdisho dib u dhacay.

wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar oo Xarun u ah Geeddi iyo qaar ka mid ah Wasiiradiisa waxaa socda qaban qaabo loogu jiro safarka Muqdisho ku imaanayo Ra’iisal Wasaare Geeddi,iyadoo Saraakiisha ammaanka ay sheegayan in la filayo inuu maalmaha Ciida soo gaaro magaalada muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Mr Geeddi furi doono Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho oo hadda ka hor la doonayay in la furo xafiiskaas balse arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Geeddi oo at wehliyaan xubnokale ayaa dadka Muqdisho waxaa uu la qaadan doona farxada Ciidul-fitriga ama waxaa laga yaaba inuu soo gaaro xamar Maalmaha Ciida hadii uu beri soo gaari waayo.

Bishii May ayay ahayd markii Ra’iisal wasaare Geeddi isagoo khudbad ka jeedinayo Garoonka Muqdisho ee kubadda Cagta Bam lala beegsaday meel 10 tallaabo u jirta halkii uu taagnaa, taas oo ay ku dhinteen dad badan oo soomaali ah.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya