Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

R/wasaare Geedi oo ka dalbaday wadamada deriska inay u soo diraan maraakiibta dagaalka

Raiisul wasaaraha dawlada fedaralka somaliya prof,cali maxamed geedi ayaa ka dal baday dalalka deriska la ah somaliya inay maraakiib dagaal u soo diraan

R/wasaare Geedi ayaa tibaaaxay inay Marakiibtaasi ay ilaalin doonaan Xeebaha dalka Somaliya oo maalmahaan at ka dilaaceen Badeed u soo tafa xaydatay inay wax yeelaan Maraakiibta Mucaawida u sida Daka tabaalaysan

Ra'isul wasaare Geedi ayaa wakaaladda wararka ee Associated Press u sheeegay inaanay dowladiisa haysan awoodii ay ku difaaci lahayd biyaheeda iyadoo warkanina uu ku soo beegmay xili markabkii sedexaad lagu qfashay xeebaha Soomaaliya isla bil gudaheeda.

raiisul wasaaraha wuxuu sheegay inuu kulan ku baaqi doono oo ay isugu imaanayaan dal kasta oo daneeya sidii loo badbaadin lahaa leemanka maraakiibta si loo dhiso quwad ku meel gaar ah oo ilaalisa biyaha Soomaaliya.

"tan iyo markii ay burbureen ilaaladii xeebaheena mudo 15 sanadood laga joogo ma jiraan wax quwado ah oo ilaaliya biyaha iyo hantida ku safartaba ayuu yiri geedi oo waraysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka AP isagoo jooga magaalada Nairobi.

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya