Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Gen Max’ed Nur Galaal ah ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dalka Somaliya mar kale laga abaabulo colaado sokeeye

Jen. Galaal oo u waramayay Rochester Somali Tv ayaa saadaal aan wanaagsaneyn ka bixiyay diyaar garowga Militari ee la sheegay in ay ku jiraan kooxaha siyaasadda Somaliya isaga soo horjeeda, isagoo tilmaamay in faragalin shisheeye ay qeyb ka tahay dhaq dhaqaaqa militari ee ka jira gudaha wadanka Somaliya.

Gen.Max’ed Nuur Galaal ayaa waxa uu xusay in dowladaha Yemen iyo Ethiopia ay dalka Somaliya soo galiyeen hub aan xisaab laheyn, kaasi oo ay ku taageereen qeyb ka mid ah dagaal oogayaasha Soomaaliya oo xal u arka in ay awood wax ku maqnuuniyaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gen.Galaal ayaa sheegay in saraakiil Militari oo ay Ethiopia leedahay ay ku sugan yihiin gudaha dalka Somaliya gaar ahaan gobolada Bakool, Puntland iyo Sh/dhexe kuwaasi oo bixinaya tababaro militari oo ay siinayaan maleeshiyooyin taageersan garabka Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Genaraalku waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in Somaliya 15 sano ka dib loo abaabulo dagaalo sokeeya oo aysan dadku xamili Karin.

Hadalka Gen.Galaal ayaa waxa uu ku soo aaday xilli shalay la shaaciyay warbixin Q.M ay soo saatay ay ku sheegtay in dalalka Ethiopia,Yemen, Eretrea ay jabiyeen cunaqabateynta hubka saaran ee Soomaaliya

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya