| Jen. Maxamed
Nurr Galaal, ayaa sheeey inay adagtahey sida uu u shaqeeyo Golaha cusub ee
loo dhisey Gobolka Banaadir
Jen. Galaal oo ah rugcaddaa wax badan kusoo jirey siyaasadda ayaa sheegay
inay uu horey ugu soo joogey maamullo is khilaafsan oo laga dhisey magaalada
Muqdisho kuwaasi oo aan midkoodna shaqeynin isla markaana abuurey kal
qeybsanaan iyo kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah.
Jen.Galaal waxaa uu sheegey sharci ahaan inuu jiro maamul u dhisan
Gobolka Banaadir kaasi oo uu soo Magacaabey Ra'iisal wasaare Geeddi
maamulkaasi oo hawlihiisa ay socdaan walina aan cagahiisa isku taagin,
waxaana uu sheegey inay dhibaato uun abuureyso haddii mid kale laga garab
sameeeyo wuxuuna ku taliyey iney maamulka hadda jirey ee ay soo magacabeen
qolyaha Jowhar la taageero isla markaana lala shqeeyo.
xalka kaliya ee ay Muqdisho ku dagi karto waa in la helaa muumul
mideysan oo hal hoggaan ah leh ayuu caddeeyey Jen. Maxamed Nuur Galaal, si
ay uu dago gobolka Banaadir waa loo daayo maamulaka Cusub ee uu soo
magacaabay Ra'iisal Wasaare Geedi.
RSTV NEWSROOM |