Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Magaalada Jowhar ayaa waxa maanta soo gaaray Gawaarida Gadiidka ciidamada oo ay leedahay DFS garabka Jowhar

Gaadiidkaani ayaa ka soo degay markiisii hore Dekada dabiiciga ee ceelmacaan iyogoo laga keenay sida lasheegay dalka yeman iyo walba talyaaniga

Ugu yaraan Afartan iyo shan garii oo waaweyn iyo yar yar isugu jira ayaa la soo galiyay Magaalada, iyada oo loo wareejiyay xerada loogu magac daray Cali Jowhar ee ay tababarka ku qaadanayaan Maleeshiyooyinka laga kala keenay Hiiraan, Puntland iyo sh/dhexe, waxaa sidoo kale oo jira kuwa kale oo ku soo xiga oo la sugaayo dhawaan ianay soogaarar Jowhar

gadiidkan ayaa sidoo kale waxaa wehliya sahay Raashin u badan iyo qalabka ciidamada ay ku hoydaan, Musqulo macmal ah, Mara kaneecooyin, iyo Bustayaal, iyada oo ay aad u adagtahay in la helo xog intaasi dhaafsiisan.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka gaabsadey in la shaaciyo magacooda ayaa u sheegay RSTV in ay jiraan sahay intaasi ka badan oo soo socda.

Arintani ayaa ku soo beegantay xilli maalmihii tagay sido kale la soo galiyay magaalada Jowhar alaab milatari oo waxa ay yihiin aan si rasmi ah loo xaqiijin karin, warar aan la hubin ayaa oo duul duul aan ku helayno ayaase sheegayay in ay jiraan hub dowladda soo gaaray.

Wasiirada iyo xildhibaanada Muqdisho jooga ayaa dhowr jeer Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha ku ee deeyay in ay hub sharci ah soo galiyeen Soomaaliya, inkasta oo arrintaasi madaxtooyada Soomaaliya hadal ay soo saartay maanta lagu beeniyay.

Gudiga Q,M. ay si gaar ah ugu xil saartay arrimaha hubka Soo galaya soomaaliya ayaa dhawaan isna soo saaray warbixin dheer oo lagu cadeynayo dalal ay ku jiraan Yaman iyo Ethiopia iyo kuwa kale ay ku xadgudbeen xayiraadda xaga hubka ee soomaaliya, inkasta oo Yaman ay si bareer ah u cadeysay in hub ay siisay DFs oo taana ay ula jeedo waxa ay ugu magac dartay la dagaalanka burcadda dowlad diidka.

Muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.coo

muqdisho somaliya