Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Gacan ku dhiiglihii dilay agaasimihii garoonka Nambar Konton oo maanta dil toogasho ah lagu xukumay.

Maxkamada islaamiga ah ee Alfurqaan oo ka mid ah maxkamadaha ka howl gala magaalada Muqdisho ayaa maanta fadhi ka yeelataya arinta gacan ku dhiigilihii dilka u geystay marxum Cisman DucaLe Geedi Xaaf oo ahaa agaasimahii garoonka dayaaradaha Namabar Konton ee gobolka Shabeelaha hoose.

Ninkan dilka u geystay marxuumkan ayaa lagu magu magacaabaa C/laahi garad Xaashi waxaana maxkamad ay ku xukun tahay dil ka dib markii maxkamadu ay dhagaysatay cadeymo ay soo bandhigeen dad goobjoogayaan ah oo joogay xiligii dilku uu dhacayay.

Gudoomiyaha maxkamada Alfuqran Sheekh Axmed Macalin Yuusuf oo u waramayay Rochester Somali Yv ayaa sheegay in xukunkan ay fuliyeen ka dib markii loo keenay marqaatiyo goob joog ahaa xiligii ninkan uu dilka geysnayay.

Lama yaqaan ujeedka ka danbaysay in gacan ku dhiigalahan uu dilka geysto laakiin gacan ku dhiiglaha ayaa ku adkaysanaya in xabada ay kaga fakatay oo aanu ula danlahayn.

Xiligi maxkamadu ay go'aanka gaaraysay waxaa goobta ku sugnaa ehelada labada dhinac waxana maxkamada ay ku wergelisay ion xiliga ay ku heshiiyaan la fulin doono go'aankan.

Xukunka maanta ay riday maxkadaman ayaa ah kii ugu horeeyey ee ay fuliso tan iyo markii lagu dhawaaqay oo ahayd 3 bil ka hor.

Maxamed Cumar Sheekh.

Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com