Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Madaxweynaha Somaliya oo sheegay inuu bilowday Dibudhiska Dalka

Madaxweyanaha dowladda federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmad ayaa sheegay in haatan uu bilowday dhsimihii dalka Soomaaliya kagadaal markii uu muddo dheer ku jiray burbur oo kali ah.

Madaxweyanaha ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu furayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar oo dayactir lagu sameynayay si loo balaariyo, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in waddo loo furo isku xirta Jowhar iyo Warsheekh iyo weliba Cadalle oo uu sheegay in laga hirgelinayo Deked ay isticmaasho dowladda federaalka.Somaliya

Sidoo kale waxaa uu bogaadin u soo jeediyay maamulka iyo dadweyanaha magaalada jowhar oo sheegay inay muujiyeen dhabar adeyg iyo karti dheeri ah, isagoo sidoo kale sheegay in hadda iyo wixii ka danbeeya ay Soomaalidu wax qabsaneyso oo aan la sugeynin shisheeye.

Dhinaca kale waxaa isna xaflaadaasi furitaanka garoonka ka hadlay Ra`iisal wasaare Geeddi oo sheegay sida uu ugu faraxsan yahay dhameystirka garoonka isagoo sidoo kale amaan u soo jeediyay maamulka gobolka iyo dadweynaha Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee garoonka magaalada Jowhar ayaa markii ugu horeysay la dhisay sanadkii 1984kii, iyadoo dhowr jeer oo hore lagu sameeyay dayactiro kala duwan,waxaana haatan la balaariyay dhererkiisa oo laga dhigay illaa 3000m, waxaan isticmaali kara noocyada kala duwan ee diyaaradaha

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya