|
Fransawa fall ayaa ku guul daraystay dhex dhaxaadintii xubnaha labada Gole
Jowhar iuo Muqdish
Fransawa Fall ayaa isku dayay inuu xaliyo khilaafka ah ee ka dhex aloosan
Dowladda FS , waxaana labada mas’uul ee uu doonayay inuu kulansiiyo ay
booqasho kuwada yimaadeen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya .
Wargeyska Alkhaleej ee ka soo baxa dalka Imaaraatka Carabta ayaa waxa uu
sheegay in R/wasaaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay u cadeeyeen Mr. Fall in
jawiga iminka taagan aanu ogolaaneyn in labada dhinac ay wada hadlaan , waxa
ayna tilmaameen inaaney suuroobeyn wadahadal xilligan qabsooma .
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa magaalada Nairobi ka sheegay inuu dib u
dhigay socdaalkiisa Muqdisho oo uu guda galayo booqasho uu mar labaad ku
kala bixinayo wadamada Yurub oo qeyb ka ah Dalka Sweden iyo kuwa kale.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa booqasho dibadda ah dalkiisa uga
maqan ku dhawaad laba bilood ,isagoo horey u booqday dalalka Mareykanka
,Britain iyo kuwa kale.
Dadka siyaasadda ka faalooda ayaa waxa ay sheegeen in mushkilado faro
badan ay soo food saareen Shariif Xasan
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo hogaamiya xubnaha dowladda ee ku
sugan Muqdisho ,oo iyagu aanu wax la taaban karo oo muuqda ka qaban xaalada
amaan ee Muqdisho , taasoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo R/wasaarigiisa
Cali Maxamed Geedi oo iyana saldhigtay Jowhar ay ku doodayaan in Muqdisho ay
tahay meel halis ah oo aaney suuroobeyn in Dowladda ay u soo guurto.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|