Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Golaha Ex Banaadir ayaa canbaareyey Maamul Goboleedka Puntuland,

Golaha dhaqanka Ex Banadir ee uu dhowaan magacaabay Ra'isulwasaaraha dowladda FS Cali Max'ed Geedi ayaa maanta si kulul u eedeeyay golaha Baarlamanka Puntland ka dib kulan golahaasi ay maanta ku yeesheen Hotel Ramadan ee magaalada Muqdisho.

Golaha Dhaqaka Ex Banadir ayaa eedeeyn u jeediyay golaha Baarlamanka Puntland oo ay ku sheegeen in ay ku xadgudbeen ra'isulwasaaraha dowladda FS Prpf. Cali Max'ed Geedi.

Golahaan oo maanta kulan ku yeeshay Hotel Ramadaan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen hadalo maamulka Puntland uu ku dhaleeceeyay Ra'isulwasaare Geedi oo aahaa in uu aqoonsi siiyay maamulka Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen hadaladaasi kuwo la iska yiri isla markaana Ra'isulwasaare Geedi aan wax aqoonsi ah siinin dowlada la magac baxday Somaliland.

Kulankaasi ayaa waxaa ka hadley xokeynta golaha Ex- Banadir C/raxmaan Maxudiin Max'ed, isagoo ugu horeyn sheegay sida ay uga xun yihiin hadal aan la fileyn oo ka soo yeeray maamul goboleedka Puntland.

Sidoo kale Kulankaasi ayaa waxaa looga hadlay arimo ku aadan beelaha Banadiriga ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, iyadoo xubno ka tirsan beelahaasi ay ka soo qeybgaleen kulankaasi, waxaana la filayaa in xubno ka tirsan beelaha Banadiriga ay ku soo biiraan golaha Ex Bulsho Weynta Banadir.

Golaha dhaqanka Ex Banadir ayaa waxaa loo aqoon jirey gobolada Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Banaadir.

Muxyafiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya