Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dowladda Etoobiya iyo Somaliya oo heshiis ku kala saxiixday magaladda Jowhar,

Dalka Ethiopia iyo Somalia ayaa heshiis dhinacyo badan ku kala saxiixday magaalada Jowhar ka dib markii wada hadal 3 cesho socday ay a Jowhar ku yeesheen wafdi ka socda dowladda Ethiopia iyo xukuumadda FS ee ku sugan Jowhar.

Heshiiskaan ay gaareen dowladaha ethiopia iyo Somalia ayaa waxa uu dhigayaa qodobo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, maaliyadda, isgaarsiinta, dhaqaalaha iyo waliba dhinaca Militariga.

Ambassador Tifow oo ka mid ahaa xubnihii goobjooga ka ahaa heshiiskaasi ayaa waxa uu saxaafada u sheegay in uu guul ku dhamaaday wada hadaladii labada dhinac ay yeesheen isla markaana waxa yaabahii laga wada hadlay ay guul ku dhamaadeen.

Xubnihii matalayay dowladda Ethiopia oo ahaa saraakiil ka socotey wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa waxaa horkacayay Suleyman Dabeba oo u saxiixay heshiiskaasi dhinaca dowladda Ethiopia.

Heshiiskaan oo yimid ka dib kulamo xiriir ah oo oo qaatay 3 maalmood ay yeesheen labada dhinaca ayaa sida uu sheegay Ambassador Tifow waxa uu yahay mid horudhac ah oo dhowaan ay si rasmi ah u saxiixi doonaan wasiiro dibadeedyada Somaliya iyo Ethiopia.

Wafdigii ka socday dalka Ethiopia oo uu hogaaminayay Suleymaan Dudeba ayaa intii ay joogeen magaalada Jowhar waxa ay kulmo gooni gooni ah la qaateen madaxweyne C/laahi Yusuf iyo wasiirka arimaha dibadda Claahi Sheekh Ismaciil, iyagoo kala hadlay arimo khuseeya labada dal.

Wafdigaan oo maanta dib ugu laabanaya dalkooda ayaa waxaa si weeyn loo adkeeyay amnigooda, iyadoo aad loo yareeyay 3dii cesho ee la soo dhaafay dhaq dhaqaaqa dadka xiliyada habeenkii xaafadii ay daganayeen wafidgaan ee magaalada Jowhar,

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya