Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
 

Ergeyga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia oo Nairobi kusoo fool leh.

 
magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaa maalinta bari ah kusoo fool leh argeyga qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Farans Fall .
argeyga ayaa ujeedka safarkisa ee magaalada Nairobi waxa lagu sheegay in uu yahay dhexdhexaadin uu ka dhex bilaabi doono xubnaha siyaasada ku kala erdhoobay ee dawlada federaalka kumeel gaar ka ah ee Somalia.
 
Mr.fall ayaa isku dayaya sidii isugu soo dhaweyn lahaa xubnaha dawlada ee iminka kala qeybsan asagoo ku cadaadinaya in ay isu tanasulaa.ama garanayo waxa kasoo bixi kara dhexdhexaadinta qaramada midoobay ee iminka ay dooneyso ayadoo markii hore uun ka akeyd in ay codsiyo u dirto madaxda somalida .
 
go'aankan qaramada midoobay ee ah in ay ka cayaarto door dhexdhexaadineed labada agarab ee ay dawladu u kala qeybsantahay ayaa yimid ka dim markii golaha amaanka ee jimciyada qurumaha ka dhaxaeysa uu diiday in cuna qabateenkii hubka Somalia uu ka qaado si ciidamo hub sita oo nabad illaalineed ay ugalaan gudaha wadanka Somalia .
 
waxaase dad fara badani ay isweydiinayaan waxa kasoo naasacaddaanaya dhexdhexaadinta farans Fall uu bilaabi doono asagoo la'ogyahay in horey uu ugu guul dareystay ka dim markii ra'isulwasaaraha iyo gudoomiyaha barlamaanka uu kulan kula qaatay magaalada Jibuuti  intii ay socotay munaasabdii lagu xusayey madaxbanaanida Jibuuti.
 
fall ayaa xilligaa ku guul daraystay inuu isu soo dhaweeyo labada garab ee dawlada.
 
Maxamed Cumar sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv  Muqdisho.