|
Ergeyga gaarka
ah ee qaramada midoobay oo manta Dayniille kasoo dagay.
Garoonka
dayaaradaha ee dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa maanta abaarihii 10:30
barqanimo kasoo dagay ergeyga gaarka ah e qaramada midoobay u qaabilsan
Soomaaliya Faransi fall .Ergeyga waxaa garoonka kusoo dhaweeyey xubnaha
dawlada ku meel gaarka ah ee Soomaalya ee Muqdisho ku sugan .
Wafdiga uu
hogaaminayay Mr faransi ergeyga qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa ay
ku degteen aqal wasiirka amniga qaranka dawlada federaalka ku meel gaarka ah
ee Soomaaliya Maxamed Qanyare afrxa ayagoo halkaasina kula kulmay
gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddi ka kooban 12
xubnood oo maalintii shalay ahayd xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan
ay u magacowdeen in ay soo diyaariyaan waxyaabihii gudigan uu hogaaminayo
faransi fall la hor dhigi lahaa.
Wafdiga ayaa
doonaya in ay wax ka ogaadeen waxyaabaha ay ka tabanayaan xubnaha Muqdisho
ku sugan kuwa kale ee Jowhar ku sugan .Gudiga qaramada midoobay ka socda
ayaa ujeedkooda Soomaaliya waxa uu yahay heshiisiinta xubnaha dawlada ee
jowhar iyo Muqdisho ku kala sugan .Wafdiga faransi Fall ayaa horey kulan
waxa ay kula qaateen magaalada Jowhar xubnaha halkaasi ku sugan .
Maxamed Cumar
Sheeq
Rochester Somali
Tv Muqdisho
Mcadde@rstvonline.com
|