Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo Jowhar kasoo dagay.
magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe wararka ka imanaya waxa ay sheegayaan in magaaladaasi uu soo gaaray wafdi uu horkacayo ergeyga gaarka ah ee jumciydada qurumaha ka dhaxeysa u qaabilsan Soomaaliya ee faransi Fool .
 
wafdigan oo kasoo dagay garoonka diyaaradha ee magaalada Jowhar waxaa si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyey madaxda dawlada kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ee magaaladaasi ku sugan iyo maaamulka gobolka Shabeelaha dhexe.wafdiga ayaa ujeedka socdaalkooda Jowhar lagu sheegay in ay tahay mid ay ku doonayaan isu soo dhaweynta xubnaha dawlada ee isku khilaafay dhanka mabda'a.
 
wafdiga ayaa kulamo la qaatay madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo ra'isulwasaare cali maxamed Geedi .wafdiga ayaa kala hadlay madaxda sar sare ee dawlada sida ugu haboon ee loo xalin karo khilaafaadka howl gabka ka dhigaya xukuumada federaalka Soomaliya .
 
wafdiga ayaa kusoo wareegay xaafadaha iyo goobaha ay degenyihiin xubnaha labada gole ee magaalada jowhar.waxaana maalinta bari ah la filayaa in ay usoo ambabaxaan magaalada muqdisho si ay dhinacooda ula kulmaan xubnaha dawlada ee Muqdisho ku sugan kuwaaso uu hormuudka u yahya gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Sharif xasan Sheekh Aadan.
 
Maxamed cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv Muqdisho.