|
Ergayga Jaamacada Carabta u qaabilsan Somaliya Ambasator Samiir Al-Xusni oo
soogaaray magaaldda Jowhar
Ergayga jaamacadda Carabta u qaabilsan Arimaha Afrika iyo Soomaaliya Dr
Samiir Al-Xusni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada jawhar
oo xarun u ah dawlada fedraalka ee uu hogaamiyo madaxweyne C/laahi Yuusuf.
Ergada jaamacadda carabta ayaa waxa ay Jawhar wada hadalo kula yeesheen
Raii’sul wasaare Geedi iyo xubno golahiisa wasiiradda ka tisan,iyadoo
jaamacadda carabta ay kala hadashay sidii xal loogu heli lahaa Khilaafka
Fogaadey ee ka dhex taagan Xubnaha dawladii lagu nsoo dhisay Kenya sanad ka
hor oo burburka qarka u saaran.Kulanka ka dhacay jawhar oo ahaa mid saacado
qaatay ayaa wafdiga waxa ay isla maanta dib ugu laabteen magaalada Neyrobi
oo ay markii horay ka yimaadeen.
Jaamacadda Carabta iyo Beesha caalamka ayaa Ku xirtay Shuruud Deeqaha
dhaqaalle ee la siinayo dawlada fedraalka oo lagu xiray iney marka hora
heshiiyaan ayna muujiyaan wada shaqeyn hay’adaha kala gadisan ee Xukuumadda
Fedraalka ay ka kooban tahay.
Xoghayaha Guud ee jaamacadda Carabta Caamir Musaa ayaa hakiyay Deeq
dhaqaalle oo ay codsatay dawlada Fedraalka taasoo gaareysay 2 Milyan oo
doolar, inta xal loogu helayo khilaafka Xukuumadda Soomaaliya.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|