Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
Maxamuud Xasan Cali cadde iyo wafdi uu horkacayo ayaa gelinkii hore
soo gaaray magaalada Muqdisho
Wafdiga gudoomiyaha oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano uu ka mid
ahaa xildhibaan C/laahi Geeddi Shadoor iyo wasiirro uu ka mid ahaa
wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Ibraahim sheikh cali Jeebbo ayaa ka
soo dagay garoonka diyaaradaha ee Cisiley oo ku yaalla duleedka
Woqooyi ee magaalada Muqdisho. Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo
dhaweeyey dadweyne fara badan iyo qaar ka mid ah ciidanka Minashiibiyada
Wafdiga gudoomiyaha uu horkacayo ayaa waxaa la dejiyey hotelka
Ramadan ,wuxuuna halkaasi kula Hadley dadweynihii iyo mas'uuliyiintii
kasoo qeyb gashey soo dhaweyntiisa asagoo u mahad celiyay sida
hagaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.
Waxaana dadkii halkaa isugu yimid la yaab ku noqotay oo ay
isweydiinayeen Maamulkii hore ee gobolka Banaadir sida Guddoomiyihii
hore C/laahi Xasan Ganay firinbi iyo duqii hore Ibraahim cumra sabriye
shaaweeye aaney qayb galin qaadanin soo dhawaynta duqa cusub ee
magaalada Muqdisho inkastoo ay horay ballan ugu qaadeen in ay soo
dhaweynayaan lana shaqaynayaan haddii uu dalka soo gaaro guddoomiyaha
cusub ahna duqa magaalada Muqdisho xilkana ay ku wareejin doonaan.
Genaral Naaji oo sheegay in la isugu yeeri doono ciidankii
xooga dalka
Taliyaha ciidammada xoogga dalka Somaliyeed Genaral Ismaaciil
Qaasim Naaji ayaa sheegay in dhawaan la isugu yeeri doono ciidammada
xoogga dalka somaaliyeed,si ay u howshoodii qaranka ay u hayn jireen dib
ay ugu bilaabaan.
Naaji oo ka mid ahaa wafdigii ra'iisul wasaaraha uu hor kacayay ee
shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Jowhar ayaa sheegay in
dowladda federalka kmg ah ee Somaliya ay ciidamadii hore ee qaranka dib
isugu abaabuleyso si howshooda degdeg ay ugu bilaabaan oo ay soo
celiyaan amaanka mudada dheer ka maqnaa umada Soomaaliyeed. General
Naaji oo saxaafadda la hadlayey asagoo jooga magaalada Jowhar ayaan
soo hadal qaadin sida laga yeelayo maleeshiyooyinka dhawaan laga
saaray magaalada Muqdisho ee tababarkuna uu uga socdo xeryaha
Hiilwayne iyo Laanta buuro ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha
hoose laakiin waxa uu carabaabay in sanadkan dawladu ay qoroneyso
ciidamo cusub oo aan aheyn kuwii hore kuwaasoo gaaraya toban kun
askari da'dooduna aaney ka badney 25 jir ,ayadoo sanadka soo socdana
la qorayo ciidan mid kan oo kale ah .
Hogaamiye kooxeedyadii wasiirada noqday ee maleeshiyooyinkan ay ka
amar qaataan ayaa sheegay in maleeshiyooyinkan ay ka mid noqon
doonaan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed. Dhanka kale wafdigii dowladda
ka socday ee shalay soo gaaray magaalada Jowhar ayaa qaarkood waxa
ay bilaabeen maantaa in ay magaalada kusoo wareegaan ayagoo soo indha
indheynaya xaalka magaalada.
Ciidamo gadoodsan oo daraawiishta Puntland ka tirsan oo la
wareegay xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo.
Ciidammada daraawiishta ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta
la wareegay xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay
sheegeen in ay ka tabanayaan waxyaabo fara badan oo dhibaatooyin ah
maamulka Puntland .Ciidankan ayaa ka cabanaya in xaqii ay ku lahaayeen
macaawino ay soo dhiibtay dawlada Shiinaha aan laga siin,qabsashada
xaruntanna ay fariin u tahay maamulka
Ciidanka daraawiishta maamul goboleedka puntland ayaa isku dayay in
ay ciidankan qabsaday xarunta ka saaraan laakiin waa ay usuuroobi
waysay ka dib markii ciidanka qabsaday xarunta ay halkaa dhufeyso adag
ka sameysteen. Afhayeen u hadlay ciidanka daraawiishta ee maanta la
wareegay gacan ku haynta xarunta gobolka ee magaalada Gaalkacyo ayaa
sheegay in dhowrkii bilood ee la soo dhaafay aanay helin
mushaaharkii ay xaqa u lahaayeen iyadoo maamulka puntland uu iska
dhaga tiray codsiyo dhowr ah oo ay u gudbiyeen.
Bilihii la soo dhaafay waxaa khilaafaad aad u xoogani ka dhex
aloosnaa ciidammada daraawiishta iyo maamulka magaalada Gaalkacyo dhinaca
raacsan maamul Puntland iyadoo ciidammadu dhowr mar ay amar diiddo
sameeyeen ayna xarumo maamulku leeyahay la wareegeen iyagoo mar
walbana ka sheeganayey qaabka maamulku uu wax u maamulayo.
Maxamed Cumar Sheekh(Maxamed Cadde)