War Deg Deg ah
Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho
Maxamud Xasan Cali Cadde (Gaabow) ayaa saacado ka hor Soo Gaarey Minneapolis
Mareykanka
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamud Xasan
Cali Cadde(Gaabow) ayaa saacado ka hor soo gaarey Magaalada Minneapolis ee
Gobolka Minnesota ee waddanka mareykanka
isagoo Booqasho ku yimid Gobolka Minnesota oo ah halka ay ugu badan tahay
Soomaalida ku nool waddanka Mareykanka.
lama faahfaahini ujeedada socdaalkiisa waxaase la filayaa
guudoomuhu inta uu joogo halkaas inuu kulamo la yeesho Jaalliyadda
Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota. xubno ka mid ah jaaliyaadda iyo
waxgaradka ku dhaqan magaalada Rochester ayaa waxay u sheegeen RSTV iney
guddoomiyah ku soo dhoweyn doonaan Magaalada Rochester, iyadoo halkaas
laga dareemayey dhaqdhaaqyo fara badan oo lagu soo dhaweynayo guddoomiyaha
Gobolka Banaadir marka uu soo gaaro Magaalada Rochester. wararka Guddoomiyah
oo faah faahsan waxaad ka heli doontaasn RSTVONLINE ee kala socda inshaa
Allah.
Muqtar Ahmed Mohamed (Katiitow)
Minneapolis, MN USA
muqtar@rstvonline.com
|