Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 


Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo sheegay in garoonka iyo degeda lagu howlan yahay furitaankooda.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqamagaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu ku howlan yahay sidii si deg deg ah loogu furi lahaa garoonka caalamiga ah ee magaaladaMuqdisho iyo degeda weyn ee Muqdisho si ganacsatada Soomaaliyeed iyo xamaalatada ay ugu suuro gasho in ay ka shaqeystaan ilahan muhiimka u ah dhaqaaalaha wadanka.

Gudoomiyuhu waxaa kaloo uu sheegay in haatan sidoo kale uu wado qorshe dib loogu furayo suuqii weynaa ee Xamar Weyn kaasoo dad fara badan ay ka ganacsan jireen xilligii nabada ahaana suuqa kaliya ee magaaladaMuqdisho ay ku faani jirtay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ku gacan siiyaan howsha ay wadaan oo ah howl balaaran oo aan qof kaliya fulin karin.

Hadalka kasoo yeeray duqa magaalada Muqdisho ayaa ah kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo kasoo yeera mas'uul ka tirsan dowlada ku meel gaarka ah ee Somaliatan iyo markii lagu dhawaaqay in xukuumadu ay dib ugu soo laabatay dalka.

Maxamed Qanyare " Aniga ma arkin ifiito ku baaqaysa in shir ay isugu yimaadaan wasiirada"

Wasiirka amaanka qaranka dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia maxamed Qanyare afrax ayaa sheegay in wasiirada ku sugan magaalada Muqdisho aanay sii gaariin ifiito ugu yeeraysa inay kasoo qeyb galaan kulanka golaha wasiirada uu ra'isulwasaare Cali Maxam,ed Geedi sheegay inuu ka dhici doono magaalada Muqdisho.

wasiirku waxa uu sheegay in kulanka uu ku dhawaaqay Geedi uu yahay mid la doonayo in beesha caalma looga kasbado kalsoonidii ay xubnaha labada gole ee ku sugan Jowhar ka heli jireen caalamka, waxa uuna tilmaamay wasirku in Geedi ifiitada uu sheegay in uu u gudbiyay golaha wasiirada ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo raad toona aan lahayn waxa uuna sheegay in hadalka Geedi inifiitada Geedi ay tahay mid ku kooban beesha caalamka.

"Aniga oo maxamed Qanyare ah ima soo gaarin wax ifiito ah ,ifiitadu waxa ay ku kooban tahay beesha caalmka sidaasi darteed anigu ma awoodu ifiito hawada socota in aan qabsado"ayuu yiri wasiirka amaanka qaranka uu u muuqday mid si aad ah uga caraysan kulanka iyo ifiitada la sheegay in lasoo gaarsiiyay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan.

Maxamed Qanyare Afrax oo saxaafada ay wax ka wqeydiisay inuu ka qeyb galayo hadi lasooo gaarsiiyo ifiitada kulankaasi ayaa sheegay in isagu uu diyaar u yahay wax kasta oo loo soo maro sharciga iyop dastuurka.

Maalinta nabada aduunka oo siyaabo kala duwan looga xusay Muqdisho iyo magaalooyin kale .

Maanta oo ay taariiqdu ku beegan tahay 21-ka bisha Sep ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Caalamkalaga xusay maalinta nabada aduunka oo loo aqoonsaday in ay noqoto 21 -ka bishan aynu ku jiro.

Xaflado iyo bandhigyo si aad ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay maalintan nabada aduunka ayaa waxa ay ka dhaceen goobo kala duwan oo ka tirsan magaaladaMuqdisho .

Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa maanta u muqday kuwa ku mashquulsan xuska maalintan iyadoo la arkayay xaflado kala duwan oo ay soo agaasimeen mas'uuliyiinta dowlada ku meel gaarka ah ee Somalia iyo ururada bulshada rayidka oo si weyn uga dhacaya hoteeladan.

Hoteelka Nabada ayaa ahaa hoteelada maanta sida weyn looga xusay maalinta nabada aduunka maadaama hoteelka uu wato magaca nabada.

Xaflad si aad ah loo soo agaasimay oo ka dhacday hoteelkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay ra'isulwasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Caydiid iyo wasiiro kale oo ku suigan magaaladaMuqdisho .

Xuseen Caydiid oo ka hadlay munaasabii maanta lagu xusay maalinta nabada adunka ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin ka duwan maalmihii hore u soo mari jiray umada soomaaliyeed tan iyo intiii ay ku jireen dagaalada isagoo taa ula jeeda in maanta dadka Soomaalida ay ku naaloonayaan dowlad midnimo qaran iyo nabad.

Dhianaca kale madaxweynaha dowlada ku meel gaarka ah ee SomaliaC/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu xusayay maalintan oo ka dhacday magaaladaJowhar.

Madaxweynaha oo hadal gaaban ka jeediyay munaasabadaasi ayaa sheegay inuu si aad ugu faraxsanyahay in maanta uu kala qeybgalo umada Somaliyeed xuska maalintan isagoo tilmaamay in isagoo uu isu badalay nin nabadeed haatan wixii laga bilaabana uu ka shaqeynayo nadab ka dhalinta Somalia .

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in arinta Jowhar uu u yimid ay tahay nabada ka dhalinta Somalia uuna u dhimanayo inta uu kaga guulaysanyo arintaasi.

Sido kale ra'isulwasaarte Cali Maxamed Geedi oo xafladaasi lagu qabtay magaaladaJowhar ka hadlay ayaa sheegay in isagu uu u howl gali doono sidii uu nabadayn lahaa xubnaha xukuumadiisa ka tirsan eekala jooga Muqdisho iyo Jowhar.

Si kastaba ha ahaatee xafladihii ka dhacay maanta Muqdisho iyo Jowhar ee lagu xusayay maalintanabada aduunka ayaa ku dhacay jawi aad u degan oo aan fowdo iyo rabsho ku dheehneyn.

Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv ,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com