|
Ciidamada Isbahaysiga Dooxada Juba oo gacanta ku soo dhigay Gacan ku dhiig
lihii dilay Sarkaal kii Q,M
Saraakiil katirsan ciidamada amaanka ee magaalada kismaayo ayaa
xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen ninkii dilay sarkaalkii Q,M maxamuud
muuse uraago oo afartii bishaan lagu dilay bartamaha magaalada kismaayo.
Ciidamada amaanka magaalada Kismaayo oo maalmahaanba waday howlgalo ay ku
qab qabanayaan dadkii ka dambeeyay falkii lagu qaarjiyay 4 tii Bishaan
October Marxuum Max’uud Muuse Guraage ayaa maanta gacanka ku dhigay ninkii
dilay Marxuumkaasi.
Saraakiishii fulisay howlgalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo
qabteen isagoo ku dhuumaaleysanaya iskuulka Ganaane ee magaalada Kismaayo,
halkaasi oo la tilmaamay in isku diyaarinayay Safar uu uga amababaxo
magaaladaasi.
Saraakiisha waxa ay sheegeen in ninka ay soo qabteen uu yahay ninkii
geystay falkii lagu qaarjiyay Marxuum Guraage, inkastoo aysan jirin warar ka
madax banaan Saraakiisha oo cadeeynaya in ninkaasi uu yahay eedeysanihii
falkaasi geystay.
Soo qabashada eedeysanahan ayaa ka dambeysay 2 maalin ka dib markii
magaaladaasi ay socdaalo ku imaadeen saraakiil ka socotay Hay’adda UNDP oo u
kuurgaleysa falkii lagu qaarjiyay Marxuum Guraage oo isagu ahaa ninkii ugu
qeybsanaa hay’adaha Q.M dhinaca amaanka gobolada J/hoose.
Hay’adaha Q.M oo doonayay in howlo bani’aadnimo ay kabilaabaan gobolada
Jubooyinka ayaa isaga baxay magaalada Kismaayo ka dib markii toogasho lagu
dilay sarkaalkii ugu qeybsanaa amaanka, iyadoo hay’adaha samafalka ay
shuruud ku xireen dib ugu soo laabashadooda magaalada Kismaayo markii
cadaaladda la horkeeno dadkii geystay falkii lagu qaarjiyay Marxuum Guraage.
Marxuum Guraage ayaa toogasho lagu dilay 4 tii bishaan October mar uu ka
soo baxayay xafiiskiisa magaalada Kismaayo, iyadoo la sheegay xiligaasi in
uu ku soo jeeday gurigiisa, waxaana cambaareeyay dilkiisa qeybaha bulshada
iyo hay’adaha gargaarka caalamiga ah.
Muxyadiin cali ji9mcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com muqdisho
somaliya
|